Mooshin la wado & Baarlamaanka DFS oo kulan deg deg ah ka leh xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare

5 May 2016 (Puntlandes) Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa maanta yeelanaya kulan deg deg ah oo ku saabsan xil ka qaadistii shalay uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Soomaaliya Ceydiid Ilka-Xanaf.

222-46

Kulankan ayaa waxaa iclaamiyay Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo maalinta khamiista aanay inta badan Baarlamaanka wax kulan ah laheyn, Xildhibaanada ayaa fariin qoraaleed lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan kulankan deg dega.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadista Madaxweynuhu ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxaana tani ay keeni kartaa khilaaf siyaasadeed, xilligan kala guurka ah.

221-8a4

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in uu Moshin ka dhan ah Xil ka qaadistii Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Soomaalya Ceydiid Ilka-Xanaf uu ilaa xalay ka socday Hoteelada Mudqdisho

Iyadoo ay sii kordhayso diidmada ka imaanaysa xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Soomaaliya Ceydiid Ilka-Xanaf oo si aan sharci ahayn Madaxweyne Xasan Sheikh xilka uga qaaday shalay.

Khilaafyada siyaasadeed ee ku saleysan awoodaha sharciga ayaa waxay aheyd mid soo jireen ah, marka la galo xilli kala guur ah.

Lama oga go’aanka Xildhibaanada qaadan doonaan, balse waxay noqon kartaa arrin saameyn weyn yeelata, marka la eego sida Xildhibaanada uga fal celinayaan sababta xilligan loogu soo beegay xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare.

Xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare iyo magacaabista Guddoomiyaha cusub ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Federaalka ay muddo saddex bil u harsan tahay xilligeeda.

Puntlandes.com

 

 

About The Author