Faahfaahin: Wasiirkii Amniga Puntland & 6 Askar ku dhaawacmay Shaqaaqo ka dhacday Bosaso

5 May 2016 (Puntlandes) Wasiirka Amniga dowlada Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa ku  dhaawaacmey magaalada Bossso kadib rasaas ay fureen ilaalada Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Yusuf (Afguduud) iyo Taliyaha Ciidamada Birmadka Gobolka Bari Col. Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow).

222-4c3

Taliye Afdalow ayaa waxaa u dhexeeyey sida ay wararku ku soo gaarayaan Warbaahinta Puntlandes (PES) Khilaaf xoogan Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland.

222-4c
Col Afdalo

Warka Bosaso kasoo gaaraya PES ayaa sheegayay in Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland iyo Taliyaha Ciidamada Birmadka Gobolka Bari uu isgacan qaad dhexmaray kadib na ay israsaaseeyeen labada Ciidan halkaasna uu ku dhaawacmay Wasiirka oo isku dayayey inuu arinta qaboojiyo.

222-4c1
Gen Afguduud

Wararka soo gaaraya Warbaahinta Puntlandes waxay sheegayaan in Wasiirka Amniga Puntland in lugta dhaawaac kasoo gaarey. waxaa kale oo dhaawacooda Cisbitaalka Bosaso la geeyry 6 Askari oo ku dhaawacmay Shaqaaqadaan ka dhacday maanta magaalaga Bosaso.

Wixii kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author