Madaxweyne Xassan oo la wareegay hawlihii AQALKA SARE ee Baarlamaanka oo aan weli la dhisin & Garsoorka!
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay inuu xilkii ka fariisiyey Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare, isagoona magacaabay Gudoomiye cusub.
Wuxuu sidoo kale Madaxweynaha xilka ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamada Banaadir isagoo aan magacaabin ciddii beddeli lahayd.
Haddaba waxay doodi ka taagan tahay Awoodda uu adeegsaday Madaxweynaha iyo inuu xaq u leeyahay Dastuur ahaan xil ka qaadista Garsoorayaasha.
Sida ku cad dastuurka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan farqadiisa 3aad, Garsoorka Soomaaliya waa mid madax bannaan kana mid ah sadexda awoodood ee dowlada.
Qodobka 3aad
Mabaadi’da Asaasiga
4. Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirrigelinayaa xuquuqda aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerarka caalamiga ah, caddaaladda, xukuumad loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi, kala-soocidda awoodaha sharcidejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan, iyagoo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan ka jawaabaya danaha dadweynaha.
Sidoo kale Hay’adaha dowlada kama dul tilaabsan karaan waddada uu Dastuurka u jeexay iyo awoodda loo kala qeybiyey sida ku cad Qodobka 4aad ee Dastuurka.
Qodobka 4aad
Sarraynta Dastuurka
Shareecada ka sokow, Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayeyna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha dawladda oo dhan.
Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
Qodobaka 72aad ee Dastuurka wuxuu qeexayaa awoodda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Waxaana ku xusan in Aqalkan uu yahay kan dhisaya Guddiga Adeega Garsoorka oo ah guddiga awoodda ulleh in ay xil ka qaadis ku sameyn karaan Garsoorayaasha iyo go’aanada la xiriira xil ka fariisinta xubin kamid ah isla guddigaasi.
Sidoo kale Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo aan weli la dhisin ayaa ah midka laga doonayo inuu ansixiyo Guddoomiyayaasha Maxkamada ee uu Madaxweynaha soo magacaabo.
Awooda Madaxweynaha
Qodobka 90aad ee Dastuurka oo ka hadlaya awoodda Madaxweynaha Federaalka ayaa si cad u qeexaya in awoodda Madaxweynaha ee dhanka Garsoorka ay ku kooban tahay oo kaliya:
Farqada 11aad. Wuxuu magacaabaa Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga, Maxkamada Sare, iyo Garsooyayaasha kale Heer-Federaal, kadib soo jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka.
Farqada 17aad. In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimo dembiilayaal marka uu ka talo-qaato Guddiga Adeega Garsoorka.
Sida ku cad halkan Madaxweynaha ayaa ah inuu mar walba go’aanadaasi kala tashado Guddiga Adeega Garsoorka oo aan isagu kaligiis go’aanka iska gaarin.
Guddiga Adeega Garsoorka
Haddaba Guddiga Adeega Garsoorka (The Judical Service Commission) intee buu ka kooban yahay? Guddigan la doonayo inuu ansixiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa la doonayaa inuu ka koobnaado 9 (Sagaal) xubnood oo kala ah:
1-Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga;
2- Gudoomiyaha Maxkamada Sare;
3- Xeer ilaaliyaha Guud;
4- Gudoomiyaha gudiga xuquuqda bini’aadanka;
5-6. Laba xubnood oo aqoon iyo waaya aragnimo uleh sharciga kana mid ah ururka Garyaqaanada Soomaaliya, oo uu soo magacaabo ururka Garyaqaanada mudo dhan afar (4) sano;
7,8 & 9- Golaha Wasiiraddu waxay Madaxweynaha usoo jeedinayaa 3 Qof oo sumcad ku leh bulshadda si uu u magacaabo;
Kadib marka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Ansixiyo Guddigan wuxuu dhexdiisa kadooranayaa Gudoomiye.
Xubnaha guddiga adeega garsoorka waxay shaqeynayaan mudo dhan afar (4) sano oo la cusbooneysiin karo hal xili.
Sharci ay meel mariyeen guddiga adeega garsoorka oo ku saabsan anshaxmarinta, ayaa qabanaya xubin kasta oo kamid ah guddiga adeega garsoorka. Sida sharci iyo xeer ay soo saareen gudiga adeega garsoorka, waxaa gudiga adeega garsoorka sameyn karaa:
A. Magacaabis, anshax marin, baddalid xubin kasta oo kamid ah garsoorka heer federal;
B. Go’aan kagaarid mushaarka iyo howl gabka;
C. Go’aan kagaarida xaalada shaqo ee garsoorka.
Kala Diridii Guddiga Adeega Garsoorka
Xili Madaxweynaha Dowlada Federaalka uu ku dhawaaqay inuu yahay Murashax ayuu horaantii sanadkii lasoo dhaafay 11kii Maarso 2015, soo saaray Digareeto uu ku sheegayo inuu kala diray Guddigii Adeega Garsoorka ee horey u jiray markuu xilka qabanayey.
Arrintan ayaa waxaa sheegay inay Sharci darro tahay Guddoomiyaha Maxkamada Sare Caydiid Cabdullahi Ilkaxanaf iyo Golihii Adeega Garsoorka oo horey u jiray oo arrintan qoraal kasoo saaray taariikhdu markay ahayd 14kii Maarso 2015.
Golaha Adeega Garsoorka oo cuskanaya qodobada Dastuurka ee 105 & 106 ayaa sheegay in Madaxweynaha uusan awood ullahayn kala dirida Guddiga Garsoorka ama Garsoorayaasha taasina ay tahay mid u taal Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Hoos ka akhriso qoraalkii Guddiga Adeega Garsoorka
Sida ku cad Qodobka 105aad ee Dastuurka ee qeexaya AWOODDA GARSOORKA, wuxuu u qoron yahay sidatan:
Awoodda Garsoorka Jamhuuriyada Federaalka
1. Awoodda Garsoorka waxaa u xil saran Maxkamadaha.
2. Qaab dhismeedka garsoorka waxaa xeer gaar ah kasoo saaraya Baarlamaanka.
Waxaa arrintan kasii horeysay Magacaabistii Madaxweynaha Dowlada Federaalka uu magacaabay Xeer Illaaliyaha Dowlada taasi oo aan awood u siineyn inuu ku dhawaaqo haddii uusan ogolaansho ka heysan Guddiga Adeega Garsoorka.
Hadaba Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa u muuqda inuu kala diridii guddiga Adeega Garsoorka iyo magacaabistii guddi uu isaga dhistay uu gebi ahaan la wareegay awoodaAQALKA SARE ee Baarlamaanka Federaalka oo aan weli la dhisin.
Tilaabada Madaxweynaha ayaa ah mid u muuqata in looga sii hordhacayo Hawlihii ugu waaweynaa ee horyiilay Aqalka Sare ee Federaalka ee la doonayo in lagu soo dhiso doorashada soo socota, taasi oo saameyn kusii yeelan karta Doorashada 2020.
Shuruudaha Xubnaha xilka loo magacaabo
Marka laga yimaado awoodda Baarlamaanka ee uu Madaxweynaha la wareegay, waxaa sidoo kale Dastuurka sheegayaa in xubnaha loo magacaabayo Garsoorka ay yihiin kuwo dhex dhexaad ah oo aan wax xariir siyaasadeed la laheyn hogaanka talada dalka haya.
Arrintan ayaa ah mid iyadana meesha ka baxday, maadaama Madaxweynaha xubnaha uu u magacaabay Maxkamada Sare iyo waliba Xeer illaalinta guud ay yihiin xubno si weyn ay isugu dhaw yihiin kana mid ahaa xubnaha loo yaqaan Damul jadiid ee wax kusoo wada bartay dalka Sudan.
Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan oo uu Madaxweynaha shalay u magacaabay Maxkamada Sare ayaa Jaamacada uga soo baxay dalka Sudan 1999kii wuxuuna in muddo ah soo hayey Garyaqaanka guud ee maamulka Somaliland ee sheegay inuu ka goostay Soomaaliya.
Halkan ka akhriso qoraalkii aan ka qornay November 2014 Inqilaabka Damul Jadiid ee guud ahaan awooda Dowlada Soomaaliya, waxaana kamid ahaa qorshahaasi aan horey u sheegnay in kooxdan la wareegi doonto hogaanka Garsoorka dalka.
Baarlamaanka Federaalka (Golaha Shacabka)
Golaha Shacabka oo isagu hada isku haya labada awoodood ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa waxaa xiligan ka dhex taagan dood xoogan oo ku aadan nidaamka Doorashada 2016, waxaana muuqata in Madaxweynaha xiligan uga faa’iideystay fursadan inuu ku tilaabsado go’aanka uu ku faro gelieyey Garsoorka, iyadoo Baarlamaanka kalfadhigiisan yahay kii ugu danbeeyey oo la filayo inuusan dood horleh ka yeelan doonin arrimaha soo kordhay.
Xildhibaanada Federaalka oo ay shalay kadis ku noqotay qaabkan farsameysan ee uu Madaxweynaha awooda Garsoorka kula wareegay ayaa ka codsaday guddoomiyaha Baarlamaanka in arrintan looga hadlo dooda hada ka socoto Baarlamaanka, waxaana shalay dib loo dhigay kulankii lagu waday in lagu soo afjaro dooda Doorashada.
Xigasho: Horseed Media