Dhagayso: Faahfaahin ku saabsan Iska horimaadkii maanta Bosaso ka dhacay
5 May 2016 (Puntlandes) Iska horimaad maanta ka dhacay Bosaso ayaa waxaa ku dhaawacantay 5 askeri iyo Taliye kuxigeenka Ciidanka Birmadka Cali oo ku magac dheer Cali Xuun , sarkaal ka tirsan Ciidanka Puntland oo isna lagu magacaabo Cabdi Saciid Cadde iyo Wasiirka Amniga Puntland.
Iska horimaadkan oo dhexmaray Ilaalada Taliyaasha ciidamada Booliska & Ilaalada Taliyaha Birmadka ee dawladda Puntland, sidaasna waxaa Radio Daljir u sheegay Taliyaha qeybta Booliska ee gobalka Bari Cabdixakiim Yuusuf Xuseen.
Taliyaha ayaa sheegay in la hakiyey xaaladda, isla markaasna hadda xaaladu degan tahay, wuxuuna sheegay in ay hadda nabadgalyaddu caadi tahay, aysana jirin laba saf oo loo dagaalamay.
Taliyaha ayaa qiray in ay dhaawac yihiin Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab & Labo Sarkaal oo katirsanaa ciidamada Booliska & Birmadka ee dawladda Puntland.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in Cabdi Saciid Cadde ay xaaladiisu tahay mid halis ah ka gadaal markii xabaddu ay ka haleeshay kilyaha dhiiguna gudaha ugu noqday.
Dhagayso
Puntlandes.com