Madaxwayne Ku Xigeenka Puntland oo Qado u Sameeyay Gudoomiyaha Dallada Qurbajoogta Puntland ee Finland
6 May 2016 (Puntlandes) Madaxwayne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa magalada Garowe kulan qado ah ugu sameeyay Gudoomiyaha Dallada Qurbajoogta Puntland ee Finland Mudane Cabdiqani Axmed Ducaale.
Eng.Camay ayaa kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin hormarinta Puntland iyo dowrka ay Jaaliyadda Puntland ee Finland uga qaadan lahayd, isla markasna ay u garab istaagi lahay howlaha ay dowladdu wado.
Gudoomiyaha Dallada Qurbajoogta Puntland ee Finland Mudane Cabdiqani Axmed Ducaale ayaa ka mid celiyay qadada uu madaxwayne ku xigeenka u sameeyay, wuxuna sheegay inay ka go’an tahay sidii loo garab itaagi lahaa isla markasna shacabka wax loogu qaban lahaa.
Gabo-gabaddii ayaa Eng Camey aqbalay casuumad uu ku imaan doono wadanka Finland kana qeybgeli doono shir ay soo qaban qaabisay Dallada Qurbajoogta Yurub ee Pedan shirkaas oo ka dhici doona wadanka Swedan.