Ciidamada Uganda oo ka baxaya Soomaaliya
6 May 2016 (Puntlandes) Madaxda Sare ee Ciidanka difaaca dadka Uganda (Uganda People’s Defence Forces, UPDF) ayaa Sarkaal sare oo ka tirsan waxa uu sheegay in ay qaateen Go’aan ku saabsan sidii loosoo gabogabeyn lahaa Hawlaha nabad illaalineed ee ay Cidamadoodu ka hayaan Soomaaliya iyo wadanka Central African Republic (CAR).
Kullan uu shir gudoominayey Madaxweyne Yoweri Museveni oo qabsoomay 22 April 2016 ayaa waxaa lagu Go’aamiyey in laga soo saaro Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya iyo CAR.
Sarkaal Sare oo la hadlayey hay’ada wararka ee ChimpReports subixii Khamiistii lasoo dhaafay, ayaa ku nuux nuuxsaday in ay ka soo Bixi doonaan Soomaaliya Iyo CAR, waxa keliya ee ay sugayaana ay tahay Goorta.
”Gudiga sare ee difaacu wuxuu siiyey taliyeyaasha ciidamada awaamiir ku saabsan qaabkii ay uga soo bixi lahaayeen, Qaabkaas oo isku xiran ayadoon khatar la gelineyn ammaanka Ciidankayaga” ayuu yiri sarkaalkaasi.
Wuxuuna kusii intaas in soo daadgurayntu ay u dhicidoonto si wajiyo kala danbeeya ah.
Mar wax laga weydiiyey arrinkaan afhayeen militeriga Ciidamada UgandaLt Col Paddy Ankunda waa uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo, diyaarna umu ahayn inuu ka hadlo.
Middaas badalkeeda waxaa laga soo saaray Madaxtooyada dalka Uganda qoraal kusaabsan jiritaanka qabsoomidda shirka 22 April, iyadoo lagu lifaaqay masawiro, laakiin kama hadal waxa looga hadlay shirkaas.
Gudiga go’aanka gaaray waxaa Hogaamiya Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, waxaa ka mid ah Wasiirka difaaca, Taliyaha guud ee ciidamada, taliye xigeenka, Taliyeyaasha hawlgelinta, taliye qaybeedka iyo Khubaro militery.
Gudigaan sare ee difaaca waxaa ka mid ah gudiga dhaqangelinta oo uu madax u yahay Taliyaha ciidamada Madaxtooyada.
Shirkaas ayaa waxaa kaloo goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka difaaca Gen Katumba Wamala, Taliyaha ciidanka Khaaska ah Brig Gen Muhoozi Kainerugaba, Xoghayaha Joogtada ah ee ciidanka difaaca Rose Byengoma, Maj Gen Phinenas Katririma, Maj Gen James Mugira, Gen Elly Tumwiine, Lt Gen Charles Angina iyo qaar kaloo badan.
Waxaa la fahansanyahay in ka saarida Ciidamada Uganda ee dalka Soomaaliya ay Saamayn xun ku yeelan doonto amaanka Gobolka ayaa warbixinta lagu sheegay. Sababtoo ah Uganda oo ah wadanka ugu horreeyey hawlgalka AMISOM waxay tagtay Soomaaliya Maarso 2007 ciidankaas oo uu hogaaminayey Maj General Levi Karuhanga, Hadda waxay dhanyihiin cidamadaasu 6000 oo askeri kuwaas oo ka ah qayb 22 000 oo askiri oo AMISOM ah.
Madaxdii AMISOM Soo martay waxaa hogaamineysey Uganda, Hadda ayaa lagu bedeley Lt Gen. Andrew Gutti nin u dhashay Burundi oo layiraahdo Silas Ntigurirwa. Kuwa kale waxay dhamaantoo ahaayeen Uganda Maj Gen Francis Okello (March 2008 – August 2009); Maj Gen Nathan Mugisha (August 2009 – August 2011); Maj Gen Fred Mugisha (August 2011 – May 2012).
Saamaynta ay yeelan karto arrintaan.
Maadaama ay ahaayeen Uganda kuwo kaalinta hore kaga jira nabad kusoo dabbaalida Soomaaliya, waxay arrintaani dib ugu celin kartaa wadanka fawdadii.
Waxaa meesha ka baxaya Tababaradii ay sida joogtadaa u siin jireen Ciidabka Soomaalida si ay Dib ugu hantaan ammaankoodaa.
Sabadta ay Uganda uga baxayso waddan Soomaalia waxaa ugu muhiimsan in Ciidanka laga jartay Mushaarkii iyo Gunadii dagaalka kasdib markay EU ka jartay 20% ka jaratay taageeridii Hawl galka AMISOM.
EU waxay ku bixisaa hawlgalka AMISOM $200 miljan sanadkii, middaas oo ka dhigan in ay askartu helaan $828 bil kasta marka ay dawladohoodu ka jartaan khidmad maamul ee dhan $200.
EU marakay Jarato qayb ka mida lacagteeda waxaa askeri walba usoo haraya $165 in ka yar intii ay hore u qaadan jireen.
Xigasho EXCLUSIVE: UPDF High Command Ends Somalia, CAR Missions
Puntlandes.com