DEG DEG: AFDALOW OO MADAXTOOYADDA BOSASO LAGU XIRAY

7 May 2016 (Puntlandes) Ilo Xog ogaal ah ayaa usoo dusiyey Warbaahinta Puntlandes in Taliyaha Ciidamada Birmadka Col. Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow) oo sameeyey amar diido Ciidan, kadib markuu ku amar diiday Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Yusuf (Afguduud) waxayna Amar diidadu ku salaysnayd in la tiriyo Ciidan Birmadka oo tiradiisa uu muran xoog leh ka taagnaa.

Madaweynaha ayaa wuxuu 4tii bishan May u saaray guddi uu madax u yahay Wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Cali Qarjab si Tirakoob dhab ah loogu sameeyo Ciidan Birmadka.

Maalinimadii Khamiista oo ay bishu ahayd 5ta May ayaa waxaa Xerada Ciidan Birmadka gaaray guddigii loo xilsaaray Tirakoobka Ciidan Birmadka, Ciidankii Xerada loogu tagay iyo tiradii uu Taliyaha Ciidamada Birmadka Col. Afdalow uu Mushahaarka ku dalban jiray ayaa waxaa la helay inuu u dhexeeyo farqi aad u wayn.

222-4c

Markii la waydiiyey Taliyaha Ciidamada Birmadka Col. Afdalow Ciidanka maqan waxay keentay muran xoog leh oo aan garowsiiyo lahayn kadibna sababay gacan ka hadal dhexmaray Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Afguduud, kasoo sababay rasaas ay ku dhaawacmeen 6 qof oo ay mid ahaayeen Wasiirka Amniga iyo laba Sargaal oo kale oo mid uu dhaawicii u dhintay.

Warbaahinta Puntlandes  ayaa ogaatay in Shalay loo taxaabay Taliyaha Ciidamada Birmadka Col. Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow) Xabsi u dhex yaala  Madaxtooyada Puntland ee Bosaso.

Dhanka kale madaxweyne Gaas ayaa u saaray Guddi soo baara Qiimayna kusoo sameeya Shaqaaqadii ka dhacday Xerada Ciidanka Birmadka Puntland ee Bosaso.

Warbaahinta Puntlandes  ayaa ogaatay in marka Guddigu Baarintu uu soo  dhameeyo  baaritaankooda in loo gudbin doono Maxkamadda Milateriga.

Puntlandes.com

About The Author