Gudigii loo saaray ka talabixinta Hanaanka Doorashada Somaliya oo meesha ka saaray qaybo ka mid ah Heshiiskii Garoowe

14 May 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay warar hoose ku heshay inuu jira buuq siyaasadeed oo mar labaad ka dhex curtay DFS iyo Dowladda Puntland, kadib markii mugdi soo galay Heshiiskii ay 3dii April 2016 ku gaareen Garowe.

Xubno aad u firfircoon oo ka tirsan Kooxda DAMUL JADIID ee ka arimiya Villa Somalia ayaa dadaal badan ku bixiyey in uusan meel marin Heshiiskii Garowe iyo go’aamadii Madasha Wada tashiga, waxaana arinkaas loo xilsaaray inuu ISBAARO u dhigto Gudoonka Baarlamaanka DFS Jawaari.

223-2a2

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Gudoonka Baarlaanka DFS waxay u saareen Gudi ka soo tala bixiya sidii loo ansixin lahaa Heshiiskii Garowe iyo go’aankii Madasha Wada tashiga, Gudigaas ayaa badankoodu waxay ka soo horjeedaan hor u socodka Hanaanka Doorasho ee lagu heshiiyey.

Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in ay Gudigaasi meesha ka saareen Saxiixa Madaxweynayaasha, waxay kale oo Faragalin ku sameeyeen qaabka loo dhisayo Aqalka sare, tirada ergada soo xulaysa ama soo Dooranaysa xildhibaanada.

Hadii uu wax ka bedelkaan Baarlamaanka DFS ansixiyo waxa soo ifbaxaya khilaaf iyo is qab qabsi cusub kaasoo looga danleeyahya sidii Puntland uga caroon lahayd Hanaanka Doorasho ee dalka, waxaana u hadafka ugu weyn ee ay Kooxda DAMUL JADIID ka leeyaha ay tahay in dib loo dhigo qaabka ay wax u socdaan kadibna ay muddo karorsi sameeyaan.

Puntlandes.com

About The Author