Beesha Caalamka oo ku baaqay in Baarlamaanka DFS ay ansixiyaan Hanaanka Doorashada 2016 ee lagu Heshiiyey
Muqdisho, 14 May 2016 – Qaramada Midoobay, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, Itoobiya, Maraykanka, Sweden iyo Talyaaniga ayaa Qoraal dheer oo ay maanta soo saareen waxay muujiyeen walaac qoto dheer oo ay ka qabaan wax ka badan Hanaankii Doorasho ee lagu soo Heshiiyey oo ay wadaan Baarlamaanka DFS, kaasoo uu Baarlamaanka u gudbiyay 30kii April Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Waxay Saaxiibada Soomaaliya ku sheegeen Qoraalkooda in ka dalbanayaan Baarlamaanka DFS inay si dhaqso ah u ansixiyaan Hanaanka Doorashoo ee lagu soo Heshiiyey kaasoo uu saldhig u yahay Heshiiskii garowe ay ky gaareen DFS iyo dawlada Puntland, waxayna ugu baaqeen dhammaan hay’adaha Federaalka ee ay qusayso in ay u dhaqaaqaan diyaarinta iyo hirgelinta geeddi-socodka Hanaanka doorasho ee 2016ka.
Saaxiibada Soomaaliya aya waxay kaloo qoraalkooda ku sheegeen inay la kulmeen saddex maalmood ka hor madaxda fulinta iyo Baarlamaanka DFS waxayna ku celiyeen Taageerada ay u hayaan Hanaankii Doorashada ee lagu Heshiiyey iyagoo xusay inuu ku yimid heshiiska ay wada gaareen 12kii April madaxda DFS iyo dawlad goboleedyada dalka, waxayna xuseen inay muhiimadda gaar ah ay leedahay hirgelinta Hanaanka Doorashada.
Saaxiibada Soomaaliya ayaa waxay kaloo Qoraalkooda ku xusteen in Hanaanka Doorasho ee la isku raacay uu ku yimid geeddi-socod dheer oo bilo socday natiijada kazoo baxday waxaana si wadajir ah u taageeray ayey qoraalkooda ku yiraahdeen Madaxweynaha DFS, Raysul Wasaaraha DFS, Madaxweynayaasha dawladaha xubnaha ka ah Federaalka ee hadda jira iyo kuwa soo socda, Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS, iyo wakiillo ka socday Baarlamaanka DFS.
Saaxiibada Soomaaliya ayaa qoraalkooda intaas kusii daray in Go’aan wada ogol ahaa oo ay ugu muhiimsanaayeen ee Hanaannka Doorashada, oo ay ku jiraan dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka iyo in Haweenka laga siiyo 30 boqolkiiba kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka.
Ugu dambayntii Saaxiibada Soomaaliya ayaa waxay ka codsadeen Baarlamaanka DFS in ay fahmaan dareenka sii kordhaya oo ay deg deg u ansixiyaan unu gutaan xilkooda, iyagoo xusay sida ay muhiimka ugu tahay booqashada muhiim ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku imaanyaan Soomaaliya, waxauna lagama maarmaan ku sheegeen in ay Baarlaamnku ansixiyaan Hanaanka Doorasho ee la isku raacay iyadoo aan la aqbali Karin dib u dhac in lagu sameeyo.
“Mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya waxa uu ku jiraa Hakad ilaa iyo inta Hanaanka Doorasho la ansixiyo,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.
Kooxda DAMUL JADIID ee ka arimiya Villa Somaia ayaa waxay wadaan olole aad u wayn oo ay uga soo horjeedaan Heshiiskii Garowe ee 3dii April iyo kii madasha wada tashiga ee 12kii April, halkan ka akhriso faahfaahin ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay
Halkan ka akhriso Qoraal dheer oo ay Beesha Caalamka maanta soo saartay kaasoo Ag Ingiriis ah
Puntlandes.com