Madaxweynaha DFS ‘”Baarlamaanka Federaalka ha dardar geliyo meel marinta hannaanka doorashada 2016″

14 May 2016  (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa Baarlamaanka DFS, ugu baaqay in iyadoo la eegayo waqtiga yar ee harsan loo baahan yahay in la fududeeyo meel marinta hannaanka doorashada sannadka 2016.

222-4d2

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay kulan gaar ah oo uu maanta la qaatay Guddiga Baarlamaanka DFS ugu qaabilsan hannaanka doorashada.

“Baarlamaanka waa aasaaska dowladnimadeena, sidaa darteed markii madaxdaDFS iyo madaxda dawlad Goboleedyada ay isku soo raaceen hannaanka doorasho, waxaa lagama maarmaan noqotey sida sharcigu qabo, in idinkuna aad talo ka dhiibataan, ugu dambeyntiina aad ansixisaan si loo helo hannaan sharciyad dhammeystiran leh. Waxa aan mar walba adeegsaneynaa oo dowladnimadeena ay ku dhisan tahay nidaamka wadatashi iyo wax isla oggolka”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale xusay baahida loo qabo dhismaha dhaqan dowladeed hufan oo daboolaya rabitaanka shacabka, lana dhowro waqtiga jiritaanka goleyaasha qaran sida uu dastuurka dhigayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ku guda jirto dhismaheeda hay’adaheeda dowliga, lagama maarmaanna ay tahay in laga wada shaqeeyo si loo helo caddaalad, nabad iyo horumar.

Kulankan gaarka ah ayaa waxaa sidoo kale ka hadley Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari.

Guddiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hannaanka doorashada ayaa loo xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan hannaanka doorashada dalka, kadibna ay xubnaha kale ee Baarlamaanka la qeybsadaan. Waxaa dukumentiga heshiiska hannaanka doorashada loo gudbiyay Baarlamaanka bishii April 30-keeda.

Dhanka kale waxaa xusid mudan in maanta ay Beesha Caalamka soo saartay Baaq ay ku dalbanayso in Baarlaamnka DFS inuu deg deg u ansixiyo Hanaanka Doorasho ee lagu soo Heshiiyey taasoo uu Asal u yahay Heshiiskii Garowe ee DFS iyo Puntland Halkan ka akhri.

Puntlandes.com

About The Author