Sawirro: NISA oo gacanta ku dhigay nin Laptop-yadii ugu badnaa ku diyaarinayay waxyaabaha qarxa
14 May 2016 (Puntlandes) Ciidamada Hey’adda Nabadsugida DFS ee NISA ayaa u dhacay guri ku yaala degmada Hawlwadaag, halkaasoo lagu diyaarinayay qaraxyo, iyagoo gacanta ku dhigay Laptop-yo lagu diyaariyay qaraxyo iyo agabyo kale.
Howlgalkan oo dhacay caawa maqribkii ayaa Ciidanka NISA ugu suurta gashay inay qabtaan nin lagu tuhunsan yahay inuu diyaarinayay qaraxyadan, waxaana lala qabtay illaa todobo Laptop oo qaarkood lagu rakibay qaraxyo.
Sidoo kale waxaa la qabtay warqad ku shaabadeysteen magaca dowladda Islaamiga ama Daacish, kuwaasoo ahaa magacyada illaa sagaashan ruux iyo qabiilada ay ka soo jeedaan.
Saraakiil ka tirsan Nabadsugida oo ka gaabsaday magacooda ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Laptop-yada lagu rakibay qaraxyada la doonayay in loo adeegsado weeraro qaraxyo ah.
NISA ayaa sheegtay in xogta ninkan ay hayeen, isla markaana ay muddo ay daba joogeen Laamaha ammaanka, isla markaana ugu dambeyn maanta si qorsheysan ciidamada gacanta ku soo dhigeen.
Ma jirto illaa iyo hada war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda oo ku aadan howl galkan lagu qabtay Laptop-yada ku jiray waxyaabaha qarxa, hase ahaatee waxaa uu noqonayaa howl galkii u horeeyay noociisa ee guri lagu diyaarinayay Laptop-yo qaraxyo lagu rakibayay oo laga helo astaanta Daacish.
Puntlandes.com