Sawiro-Faahfaahin: Xafladii soo dhawaynta Agaasimaha Ciidanka Badda Puntland ee ka dhacday Magaalda Gothenburg ee dalka
14 May 2016 (Puntlandes) Sidii ay Warbaahinta Puntlandes hore u baahisay waxaa ka dhacay Magaalada Gothenburg ee dalka Sweden Xaflad Balaaran oo ay Jaaliyada reer Puntland ee magaaladaas iyo agagaarkeeda kusoo dhawaynayeen Agaasimaiha Ciidanka Badda Puntland Cabiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo booqasho ku jooga dalka Sweden.
Xafladaas sida heerka sare ah loo soo Agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiey iskuna soo dubariday Cabdirisaaq Garwayne, Mahad Bacalwaan, Istaahil Maxamed Jaamac. Dhanka xiriirinta shirka waxaa si hufan u daadihinayey Cabdicasiis Geeraare.
Xafladaas oo ka dhacdau xaafada Gårdsten ee magaalada Gothenburg ayaa waxaa kasoo qayb galay dad aad u fara badan oo ka kooban Jaaliyada qaybaheeda kala duwan.
Waxaa ka mid ahaa waxgaradkii ka hadlay Munasabadda IIMAAM Cabdulqaadir, Cali Maxamed Idiris Calidashiishe , Axmed Maxamed, Xirsi Cabdi Oog iyagoo ku hadlayey magaca Jaaliyadda waxay dhamaantood si isku mid ah ugu soo dhaweeyey Magaalada Gothenburg ee dalka Sweden Agaasimaiha Ciidanka Badda Puntland Cabiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan.
Waxayna dhanka kale aad ugu amaaneen dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas shaqada aadka u wanaagsan ee ay dalkii ka hayso gaar ahaan Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Harumarinta Puntland ay dawladu ka wado.
Waxaa isna dhankiidsa Munaasabadda ka hadlay Agaasimaiha Ciidanka Badda Puntland Cabiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan wuxuuna ugu horayn u mahadceliyey dadkii kasoo shaqeeyey Munaasabadda oo uu u horeeyo Cabdirisaaq Garwayne iyo kasoo qayb galayaasha Munaasabadda.
Agaasime Cabiraxmaan ayaa Jaaliyadda uga warbixiyey Dalkii wuxuuna aad ugu dheeraaday Horumarinta ay dawlada madaxweyne Gaas ka wado Puntland iyadoo dadaal aad u balaaran u gashay inay Cagaha u taagto ”Puntland ta cusub” taasoo ah mid aad uga horumarsan Puntland tii hore.
Agaasime Cabiraxmaan ayaa Jaaliyada si hufan uga Warbixiyey Halkay Puntland shalay joogtay, meesha ay iminka Joogto iyo halka ay Hiigsanayso.
Ugu dambayntii waxaa soo xiray Munaasabadda Cabdirisaaq Garwayne soo dhawayn kadibna wuxuu Cabdirisaaq Garwayne ku dheeraaday sida ay Jaaliyadu u taageersan tahay Siyaasadda iyo Hogaaminta Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Garwayne ayaa wuxuu kaloo sheegay inay aad ugu Faraxsan yihiin shaqada wanaagsan ee Horumarinta ah ee ay Puntland ka wado dawladda uu madaxweymaha ka yahay Dr Gaas, si gaar ahna waxa uu cod dheer ku sheegay sida ay Jaaliyadda oo awalba ku shaqayn jirtay Barnaamijyo isku Tashi ah oo Horumarineed inu madaxweyne Cabdiwali Maxamed cali Gaas ku dhawaaqay Barnaamijkii caanka Puntland ka noqday ee ahaa ”Puntland ha isku tashato” .
Cabdirisaaq Garwayne wuxuu ugu dambayntii u mahadceliyey Agaasimaiha Ciidanka Badda Puntland Cabiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan inuu ka aqbalau martiqaadka iyo dadkii kala soo shaqeeyey Munaasabaddan la’aantoodna aysan suurto gasheen iyo dhamaan kasoo qayb galaasha Waqtigooda qaaliga ah usoo huray.