Dhageyso: Xildhibaan DFS ah oo sheegay in qodobo ka mida ahaa Heshiiskii DFS & Puntland ay DFS doonayso inay wax ka bedesho

15 May 2016 (Puntlandes) Mid ka mid ah xildhibaanadda Baarlamanka DFS ayaa si cad u sheegay inay DFS doonayso inay laasho Heshiiskii Garowe ee DFS iyo Puntland.

218-5e

Warbaahinta Puntlandes ayaa akhristayaasheeda usoo gudbisay inay Kooxda DAMUL JADIID ee ka talisa Villa Somalia ay Gudoonka  Baarlamanka DFS u xilsaartay inay Is horistaag  ku sameeyaan Heshiiskii Garowe ee DFS iyo Puntland, halkan ka akhriso qoraalka.

Xildhibaan Cabdulaahi Xaaji o oka mida Xubnaha Gudiga uu Gudoonka Baarlamaanka u saareen wax ka bedelka Heshiiskii Garowe iyo go’aankii Madasha Wada Tashiga kaasoo si cad u sheegay inay ka wada hadleen madaxweynha DFS Xasan Sheekh inay wax ka bedel ku sameeyaan Hanaanka Doorasho ee lagu soo heshiiyey uuna Asalka u ahaa Heshiiskii Garowe.

Xildhibaan Cabdulaahi ayaa sheegay inay madaxweynaha DFS ka wada hadleen inay Qodobada aan dastuurka waafaqsanayn meesha ka saaraan iyo inay kuwa u baahan wax ka bedelka wax ka bedelaan.

Xildhibaan Cabdulaahi ayaa mar ay la waydiiyey waxa ka mida Qodonbada Carqabada ah waxa uu sheegay inay ka mid yihiin:

Sidee loo dhisayaa Aqalka Sare?

Wuxuu sheegay inay ka doodeen in Qodobka 72aad uu sheegayo inay 54 Xubnood ee Aqalka sare ay ka imaanayso 18kii Gobol Heshiiska lanoo soo gudbiyeyna ay ka imaanayaan oo kaliya 17 Gobol.uuna ka mqan yahay Gobolka Banaadir oo uu ku sheegay inay 2.5 Milyan oo Soomaali ah ay ku nool yihiin uuna kusii daray in Gobolka dhaqaalihiisa lagu biilo DFS.. Waxuuna Xildhibaanku ku sheegay inay Gobolka Banaadir uu Carqabadaha ka jira uu ka mid yahay.

Xildhibaan Cabdulaahi waxa uu sheegay inay Baarlamaanka horgayn doonaan wax ka bedelka ay ku sameeyeen Heshiiskii garowe ee DFS iyo Puntland markii dambana ahaa go’aamadii kasoo baxay Madasha Wada tashiga.

Qodobada kale ee ay Heshay Warbaahinta Puntlandes  oo ay Kooxda DAMUL JADIID doonayso inay wax ka bedesho waxaa ka mid ah:

1- In sixiixa ugu dambeeya ee Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamanka ay yeelanayaan Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada

2- Aqalka sare ee Baarlamanka oo dowlad goboleedyada toos uga imanaya oo ay ka baqayaan in uu caqabad ku noqdo

3-  in ay yareeyaan ergada 50ka ah oo ay ka baqayaan in ay culeys ku noqdaan iyagoo raba in ay dib ugu laabato sheekada isimadii soo xulay baarlamanka hada jira,.
Dhageyso Xildhibaan Cabdulaahi.

Puntlandes.com

About The Author