Raysul Wasaaraha DFS oo la kulmay Gudiga Barlamanku u saaray Heshiidskii Madasha

16 May 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa maanta la kulmay Gudi uu Gudoonka Baarlamaanka DFS u saaray inay dib eegis iyo wax ka bedel ku sameeyaan Heshiiskii Hanaanka Doorashada 2016 ee ay 12kii April ku gaareen Madaxda Soomaalida, kaasoona uu saldhig u ahaa Heshiiskii Garowe ee DFS iyo Puntland.

217-8l

Raysul Wasaaraha ayaa Gudigaas ka codsaday in Baarlamaankuuu  ansixiyo Heshiiskaas si looga faa’iidaysto wakhtiga yar ee ka haray in Doorashooyinka Guud Dalka lagaga Hirgeliyo.

Warar soo gaaraya Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya inay Gudigu ay ka diideen Raysul Wasaaraha kuna adkaysteen inay wax ka bedel ku samaynayaan Qodobada ay u arkaan inaysan haboonayn.

Heshiiskii Hanaanka Doorasho ayaa Raysul Wasaare Cumar waxa uu  Baarlamaanka DFS horgeeyey 30kii April si ay u ansixiyaan, waxayna wararku sheegayaan in Kooxda DAUL JADIID oo aan danteeda ka arag Heshiiskaasi ay olole aad u balaaran u gashay in Baarlamaanka DFS ay Wax ka bedel ku sameeyaan Heshiiskaasi.

Dawlada Puntland iyo Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan in hadii ay Baarlamaanku isbadel ku sameeyaan Heshiiskaas ay caqabad ku noqon karto Doorashooyinka la rajaynaayo inay sanadkan Dalka ka dhacaan iyo weliga Geedi socodka nabada Soomaaliya.

About The Author