Dhagayso: Xildhibaano DFS ah oo Diidan Qodobada Heshiiska Madasha Qaarkood
16 May 2016 (Puntlandes) Beesha Caalamka iyo qaar ka mida madaxda DFS iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa ugu baaqay Baarlamaanka DFS inay ansixiyaan heshiiskii dhowaan laga gaaray Hanaanka doorasho ee Soomaaliya.
Kooxda ka talisa Villa somaia ee DAMUL JADIID ayaa waxay gashay olole balaaran oo ay ku doonayso in Xildhibaanada DFs ay wax uga bedelaan Heshiiskaas oo uu saldhig u ahaa Heshiiskii ay DFS iyo Puntland ku gaareen Garowe 3dii Aprill 2016.
Kooxda DAMUL JADIID ayaa u xilsaartay diidmada Heshiiskaas Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo dhankiisa magacaabay Gudi uu ka dalbaday inay wax ka bedel ku sameeyaan Heshiiskaas.
Idaacada VOA ayaa oo u janjeerta dhanka Kooxda DAMUL JADIID ayaa waxay diyaarisay Warbixin dheer oo ay ku sheegayso sababta ay u diidan yihiin Xildhibaanada DFS.
Dhagayso Qaybtii kowaad ee warbixino ka kooban laba oo ay Diyaarisay VOA
Puntlandes.com