Dhagayso-Faallo: Qodobo DFS ay rabto inay ka Beddesho Heshiiska Hanaanka Doorasho ee lagu Heshiiyey

17 May 2016 (Puntlandes) Guddiga uu Gudoonka Baarlamaanka u saaray inay wax ka bedelaan Hanaankaii Doorasho ee ay ku Heshiiyeen DFS iyo Puntland kadibna kusoo baxay Go’aankii Madasha Wada Tashiga 12kii April 2016.

218-5e

Gudoonka Baarlamaanka ayaa u saaray Gudi ka kooban 25 xubnood inau kasoo bedelaan  ayaa xalay kulan saacado badan qaatay la yeeshay Madaxweynaha, Raysul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka, iyqadoo ay Qaar kamid ah xubnaha gudigaasi ay sheegeen in dood aad u xoog badan ay dhexmartay labada dhinac.

Cabdullaahi Jaamac oo kamid ah xubnaha Gudigaaasi ayaa sheegay inay doonayaan in Gobolka Banaadir uu xubno ku yeesho Aqalka Sare.

Sida ay horay u baahisay Warbaahinta Puntlandes waxaa Olole aad u balaaran ku jira Kooxda DAMUL JADIID e eka tali Villa Somalia, iyadoo ay Kooxdu u xilsaartay Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu ISBAARO u dhigto Hanaanka Doorasho ee lagu heshiiyey si ugu dambayn Waqti kordhin loogu sameeyo.

Dawlada Puntland iyo shacabkeedu waxay cod dheer ku diideen in la qaato habka Qabaliga ah ee 4-5 iyo in lagu dhaqmo wixii lagu soo heshiiyey iyo Dastuurka dalka, laakiin taas bedelkeeda Kooxda DAMUL JADIID waxay waxay go’aamisay in Aqalka Hoose lagu soo xulo 4.5 kan Sarena Dawlad Goboleed ahaan halka ay ahayd in Gobolkasta uu qaato 3 Kursi taasoo wadarta ka dhigi lahayd 54 Xubnood.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa DAMUL JADIID waxay Aqalkii sare u qaybiyeen Galmudug oo aan dastuurka Sharuudihiisa Buuxin kana kooban Gobol iyo Bar oo aysan ka talin waxay siiyeen 8 Xubnood halka ay Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose ay siiyeen 8 Xubnoon labadooda marka la isku daro waxay heli lahaayeen Galmudug 4 Xubnood halka Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose ay helilahaayeen 6 Xubnoon, isugayn waxay 10 Xubnood hadana waxay haystaan 16 Xubnood.

Hadaba waxaa iswaydiin ah ma Gobol kale ayaa dhacay Xuquuqdii Gobolka Banadir mise Qabiilka Hawiye ayaa Xaqii Muqdisho ula Cararay Degaanadiisa?

Dhagayso VOA oo waraysatay Cabdullaahi Jaamac

Puntlandes.com

About The Author