Sawirro: Dowladda Hoose ee Garowe oo labo gaari lagu wareejiyey ay ku wareejisay Hay’adda DAI
17 May 2016 (Puntlandes) Maamulka Dowladda hoose ee Degmada Garowe ee Caasimada dowladda Puntland ayaa maanta labo gaari oo nooca iska rogada ah kala wareegey Hay’ada DAI.
Gaadiidkaasi ayaa waxaa dowladda hoose ku wareejisey Ha’yada DAI oo ku maalgelinaysay mashruuceeda TIS oo ah taageero katimid dowladda Maraykanka, waxaana ka qaybgalay munaasabaddii lagu wareejinayey duqa degmada Garoowe, ku-xigeenkiisa, xoghayaha dowladda hoose, madaxda Hay’ada DAI, shaqaalaha dowladda hoose, kooxaha Hidaha iyo dhaqanka iyo haweenka nadaafadda ka shaqeeya.
Axmed Siciid Aw-nuur oo katirsan saraakiisha ugu saraysa Hay’ada DAI ee Soomaaliya ayaa ugu horayn sheegay in gaadiidkaani uu yahay mid casri ah oo aan dayactir u baahan doonin kudhowaad 10 sano, haseyeeshee loobaahan yahay in ladaryeelo.
Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Garoowe Cabdiqafaar Cabdiraxmaan Shiikh Axmed, ayaa Hay’ada DAI uga mahadceliyey taageeradaani oo uu sheegay inay kusoo beegmatay xilli loobaahnaa.
Duqa degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa ugu dambayntii gaadiidkaasi kala wareegey Hay’ada DAI, wuxuuna balanqaaday in gaadiidkaasi looga faa’iidaysan doono sidii loogu talagalay.
Dhanka kalena gudoomiyaha ayaa sheegay in gaadiidkaasi uu qayb kuleeyahay qof walba oo reer Garoowe ah, loona baahan yahay in qof walba oo soo sheego hadii uu arko iyadoo sifo qaldan loo adeegsanayo.
Puntlandes.com