Maahir Jaamac oo loo doortay Gudoomiyaha NUSOJ halka Xoghayena loo doortay Macalimuu
17 May 2016 (Puntlandes) Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay Doorashada Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, taasoo ay ka qeybgalayeen ergooyin ka kooban 149 oo ka kala yimid Gobolada Dalka kana dhacday Hotelka City Palace waxaana goor dhaw ku doortay Guddoomiyaha Cusub ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Doorashada oo aheyd mid adag ayaa waxaa wareega labaad ee u tartanka Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta NUSOJ isugu soo haray Labo Wariye oo kala ah Maahir Jaamac Aadan iyo Aadan Maxamed Salaad”Aadan Kismaayo.
Ergooyinka oo kala taageeraayay labada Musharax ayaa markii danbe waxaa loo doortay Gudoomiyaha NUSOJ Maahir Jaamac Aadan, isaga oo helay Cod gaaraya 93.
Xoghayaha Ururka ayaa waxaa sidoo kale loo doortay Maxamed Ibraahim Macalimow, oo markiisii hore la loolamaayay Saxafi kale oo lagu magacaabo Cali Baashi oo xili danbe tanaasul sameeyay.
Doorashadaani ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo si xalaal ah uga dhacda dalka Somalia
Puntlandes.com