Dhagayso: Wararkii u dambeeyey ee Shirarkii Muqdisho & Beesha Caalamka oo Kulan Muqdisho kula qaadatay DFS iyo Gudigii…
18 May 2016 (Puntlandes) Kullan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddigii uu Gudoonka Baarlamaanku u saaray inay wax ka bedelaan Hanaankii Doorasho ee lagu Heshiiyey ee Doorashada la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya bisha Sep 2016.
Maanta ayaa waxaa kullan yeelay Gudiga oo ka kooban 25 xubnood, Madaxda DFS iyo xubno ka socday beesha caalamka ayaa lagu gorfeeyay qodobbo uu guddiggan Baarlamanka wax ka badelay oo la xiriira heshiiskii madasha ee Hanaanka ay Doorashadu u dhaceyso.
Kulankii maanta ayaa Guddigga Baarlamanku ee Dib u eegista Hanaanka Doorashada waxey ku adkeysteen in magaalada Muqdisho ay matalaad ku yeelato Aqalka Sare iyo Guddiga doorashada, Maadaama doorashadu ay Muqdisho ka dhaceyso, iyagoo dhinaca kale diiday in Madada maamul goboleedyada ay yeeshaan saxiixa mudanayaasha la soo xulayo.
Waxay wax ka bedel ku sameeyeen:
- Gudiga Doorashada Dawlad Goboleedyada oo markii hore ahayd 8 Xubnood waxay soo magacaabanaya Dawlad Goboleedyada halka ay 3 soo magacaabayso DFS. Waxay hadda ku DAREEN 15 Xubnood oo kale oo ka imaanaysa DFS.
- Mudisho iyana waxay yiraahdeen Gudi Doorasho ayey yeelanaysaa!! ogow hada ma ahan Dawlad Goboleed ee waa Caasimad!!
- Qofka Musharaxa u Noqonaya Xildhibaan waa inuu haddii uu Xil ka hayo Dawlad Goboleedyada 30 Cisho Doorashada horteed Xilka iska Casilaa
- Guddiga Xildhibaanka Dooranaya waxaa laga dhigay 51 markii ay hore u ahaayeen 50 Xubnood.
Dhagayso Warbixin dheer oo ay VOA ka diyaarisay
Puntlandes.com