Baarlamaanka oo maanta kulan ka yeelanaya Hanaanka Doorasho ee lagu soo Heshiiyey

19 May 2016 (Puntlandes) Baarlamaanka DFS ayaa maanta kulan ka yeelanaya Hanaanka Doorasho ee lagu soo Heshiiyey, taasoo bishii hore loo soo gudbiyay.  Guddi uu horay Guddoonka Baarlamaanka DFS ugu saaray, si ay dib u eegis ugu sameeyaan qodobada doorashooyinka taasoo Buuq kale abuurtay.

221-8a4

 

Kulankan Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu waqti dheer qaato, lana gaaro illaa gelinka dambe, marka loo eego sharciga doorashooyinka oo wali la isku mari la’yahay.

Guddiga dib u eegista Baarlamaanka ee heshiiska doorashooyinka ayaa horay u sheegay inay wax ka bedel ku sameeyeen qodobada qaar, balse waxaa ka biya diidan Dawlad Goboleedyada.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku cadaadinaya Baarlamaanka inuu ansixiyo Heshiiska doorashooyinka, iyadoo aan wax laga bedelin, maadaama uu waqtiga yar yahay.

Puntlandes.com

About The Author