Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo saaka Booqasho ku imaan doona Muqdisho
19 May 2016 (Puntlandes) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta lagu wadaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay u taageeraan Doorashooyinka dhici doona Sep 2016.
Wafdiga Golaha Ammaanka ayaa la kulmi doona Madaxda ugu sareysa dowladda, sida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Raysul Wasaaraha, Madaxda Dawlad Goboleedyada iyo Ururada bulshada rayidka ah, iyagoo ka wareysan doona xaalada Soomaaliya iyo diyaar garowga loogu jiro doorashada sanadkan la filayo inuu dalka ka dhaco.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa mar kale ka codsan doona Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey in la qaado cunaqabateynta hubka.
Xubnaha Golaha ammaanka ayaa xoojin doona in dalka ay ka dhacdo doorasho, waxaana lagu wadaa in shir jaraa’id wada jir ah ay qabtaan xubnaha Golaha ammaanka iyo Madaxweynaha.
Golaha Ammaanka ayaa u sii gudbi doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo ay kula kulmi doonaan Madaxweynaha Kenya.
Waxaa kaloo ay tagi doonaan magaalada Qaahira, halkaasoo ay kulan la yeelan doonaan xubnaha Jaamacadda Carabta, iyagoo kala hadli doona sidii ay u taageeri lahaayeen Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa dhamaadka sanadkan waxaa ka dhici doona hanaan doorasho oo ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada, inkastoo aanu wali hanaankaas meel marin Baarlamaanka Federaalka, kadib markii uu muran ka dhashay qodobada qaar.
Puntlandes.com