Diyaarad ka soo duushay Paris oo leeyahay laga Masar oo la la’yahay

19 May 2016 (Puntlandes) Diyaaradda EgyptAir oo Xalay Saacada Soomaaliya 12kii Habeenimo kasoo duushay Magaalada Paris una socotay Cairo ee dalka Maras ayaa lagu waayay badda Medditerranean-ka.

223-6b

Sida ay sheegayaan wararka diyaaradan ayaa laga waayay Raadaarka, xilli ay mareysay Badda Meditarrean-ka, isla markaana 10 Mile u jirtay Hawada Masar ayna Saacada Soomaaliya ay ahayd 3:30 Subaxnimo.

Diyaarada ayaa waxaa saarnaa 56 rakaab iyo 10 shaqaale, waxaana u dhadhay dakla Faransiiska ERakaab gaaraya 15 Ruux intaas in la mid ahna ay u dhalatay dalka Maras halka ay inta soo harta ay u dhalatay 9 wadan oo kala duwan.

Shirkadda Diyaaradaha EgyptAir ayaa sheegtay in diyaarada laga yaabo inay ku bur burtay Badda Meditarrean-ka, isla markaana muddo 20-daqiiqo ka hor lagu waday inay caga dhigato garoonka diyaaradaha magaalada Qaahira.

Waxaa socda baadigoob loogu jiro diyaarada, waxaana loo diray diyaarado iyo maraakiib ka raadinaya diyaarada, goobaha laga shaki qabo inay ku dhacday oo illaa 40-mile u jirta Badda Masar.

Wixii war ah ee kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author