SRSG Keating ”Taageerada EU ee Somaliya Khatar ayey ku sugan tahay haddii aan la Sharciyeyn Hanaanka Doorado..”

20 May 2016 (Puntlandes) Egayga gaarka ah ee Xoghaya Guud ee qaramada Midoobay SRSG Michael Keating  ayaa qoraal kooban oo uu Caawa soo dhigay barta uu ku leeyahay twitter waxa uu uga digay madaxda DFS inay Burbur u keenayso DFS haddii aysan Sharciyeyn Hanaankii Doorasho ee lagu soo Heshiiyey oo asalka u ahaa Heshiiskii Garowe.

208-3

SRSG Keating ayaa ku yiri qoraalkiisa ”Taageerada EU ee Somaliya Khatar ayey ku sugan tahay haddii aan la Sharciyeyn Hanaanka Doorado ee lagu soo Heshiiyey.”

SRSG Keating oo sii wata qoraalkiisa ayaa intaas kusii daray “Siyaasiyiinta Soomaalidu waxay u baahan yihiin inay danaha wadanka ka shaqeeyaan”

Akhriso qoraalka uu SRSG Keating soo dhigay barta uu ku leeyahay twitter

223-6d1

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo ka cagajiidayey in Doorashadu waqtigeedii dalka ka Qabsoonto ayaa waxaa iminka lasoo daristay Cadaadis kii uga xumaa Abid oo ka imaanaya Beesha Caalamka oo si isku mid ah ugu isticmaalya Erayo aad u qalafsan, ugana digaya inaan laga yeelayn in Soomaaliya u Afduudnaato isaga.

Puntlandes.com

About The Author