FAALLO: Madaxweyne Xasan Sheekh & Beesha Caalamka keebaa Adkaan doona

20 May 2016 (Puntlandes)  Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa wuxuu ka  cagajiidayaa in Doorashadu waqtigeedii ay dalka ka Qabsoonto isagoo Hanaankii Doorasho ee lagu Heshiiyey diiday markuu dantiisa oo ahayd Waqti kororsi uu ka waayey ayuu wuxuu dalbaday in Baarlamaanka la geeyo si uu Ansixiyo.

223-6d2

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu u Xilsaaray inuu Badda ku daro Hanaankii Doorasho ee lagu Heshiiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Jawaari iyo Xildhibaano aad u badan oo Suxul duub ugu jira sidii ay booskooda ku joogi lahaayeen, iyagoo iminka amuuray Buuq iyo Muran lagu diidan yahay Hanaankii Doorasho ee lagu soo heshiiyey.

63a

Waxa kale oo madaxweyne Xasan Sheekh uu dib u hawlgeliyey Prof Axmed Diiriye iyo Akhyaar Xaad oo caan ku ah ”Anaga Hawiye ah waan Diidnay”, isagoo u sheegay inay ka Kaluumaystaan oo Buuq iyo Xasarad ku abuuraan ”waxaa la dhacay Xaqqii Gobolka Banaadir” hadda ogow Madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa qaybiyey ummadda Soomaaliyeedna ku qasbay qaybtaase.

Hadaba waxaa sadexdii Cisho ee u dambaysay lasoo daristay Madaxweyne Xasan Sheekh Cadaadis kii uga xumaa Abid oo ka imaanaya Beesha Caalamka oo si isku mid ah ugu isticmaalya Erayo aad u qalafsan .

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu ku lumiyo Waqtiga yar ee harsan Muran iyo isqabsi si loo gaaro Agoosto iyadoo aan wax shaqo ah la qaban si uu u helo Waqti Kororsi.

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay isha soo marisay Erayadii Diblomaasida ka baxsanaa ee loo adeegsaday Madaxweyne Xasan Sheekh maalmihii u dambeeyey:

169c

Dooraad wakiilada Beesha Caalamka ayaa si xun ula hadlay madaxweyne Xasan Sheekh iyagoo si cad ugu sheegay inay la socdaan Cayaarta uu Ciyaarayo ayna uga digayaan, iyagoo amray inuu Ansixiyo Hanaankii lagu Heshiiyey sifduu doono ha u Ansixiyee.

223-6b3

Shalay waxaa Muqdisho Booqasho qaadatay haöl maalin ku yimid Golaha Amaniga ee UN-ka iyagoo Erayo aad u adadag u Isticmaalay Madaxweyne Xasan Sheekh uga digay Waqti lumiska uu wado, cod dheerna ugu sheegay inaan laga yeelayn waxa uu wado Soomaaliyana aysan u Afduudnaan doonin isaga.

223-6c4

Maanta waxaa Qoraal Xambaarsan Digniintii ugu Adlkayd soo saaray EU oo ah Deeq siiyaha ugu wayn ee DFS, iyagoo Qoraalkooda uga digay madaxweyne Xasan Sheekh inay Goosanayaan Taageeradooda ayna Iclaamin doonaan shirwayne looga arinsanayo Soomaaliya.

208-3

Maanta waxa kaloo Qoraal digniin ah barta uu ku leeyahay twitter soo dhigay Egayga gaarka ah ee Xoghaya Guud ee qaramada Midoobay SRSG Michael Keating waxaana uu uga digay madaxda DFS inay Burbur u keenayso DFS haddii aysan Sharciyeyn Hanaankii Doorasho ee lagu soo Heshiiyey oo asalka u ahaa Heshiiskii Garowe.

222-5a1

Berri, waxaa xigi doona AU, IGAD iyo AMISOM oo u hanjaba haddii uu sii madax adaygo madaxweryne xasan sheekh!!!!

Soomaaliya waa dal si tartiib ah loogu taageerayo in ay dib u dhisanto dawladnimadiisii, wuu jirayna madaxweyne Xasan Sheekh ka hor wuuna jiri doonaa ka dib, waxaana haboon inuu madaxweyne Xasan Sheekh u dhaqmo sidii qof mas’uul ah ogaadana in waqtigiisii gabo gabo yahay aan laga yeelayn inuu dal dhan siduu doona ka yeelo.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa uu tagin sidii kuwii ka horeeyey laakiin waxaa qumanayd inuu tago asagoo madaxweyne ah sharafna leh, Qadarina loo qabo laakiin taasi hadda ma muuqato waxaase hubaal ah inuusan Kursiga isagu lahayn uuna tagi doono siday doontaba ha ku tagee.

Puntlandes.com

About The Author