Dowladda Maraykanka oo Barlamanka DFS ugu Baaqday inuu si degdeg ah u Ansixiyo Hanaaka Doorasjho

21 May 2016 (Puntlandes) Dowladda Maraykanka ayaa walaac xoogan ka  muujisay dib u dhac ku yimaada Hannaanka Doorasho ee lagu Heshiiyey.

223-7

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa loogu baaqay Xukuumadda iyo Baarkamanka DFS iyo Maamul Goboleedyada inay ka dhabeeyaan balanqaadkooda ahaa in ay doorashadu waqtigeedii loogu talo galay ku dhacdo, si ay meesha uga baxdo shakiga beesha caalamku ka qabto dib u dhaca doorashada iyo mudo kororsi.

“Sii socoshada hey’ado federaali ah oo xalaal ah waa mid ku xiran hogaamiyeyaasha Soomaalida oo raaca hanaan siyaasadeed oo daah furan, ka hor inta uusan waqtiga ka dhicin xukumadda haatan jirta”ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Maraykanka waxay Baarlamaanka DFS ugu baaqday inuu si degdeg ah u Ansixiyo Hanaanka Doorasho ee lagu Heshiiyey, iyadoo dowladda Maraykanku balanqaaday in ay diyaar la tahay taageeradeeda ku aadan inay dowladda federalka iyo shacabka Soomaaliyeed ka taageerayso sidii loo heli lahaa  dowlad dimuqraadi ah oo deggan.

Puntlandes.com

About The Author