Xog: Beesha Caalamka oo madaxweyne Xasan Sheekh ku amartay inuu Hanaanka Doorasho ku meel mariyo Wareegto

21 May 2016 (Puntlandes) Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegeya in Beesha Caalamka Kulamaii u dambeeyey ee ay la yeeshaan madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iny ka dalbadeen inuu Wareegto ku meel mariyo Hanaanka Doorasho ee lagu soo Heshiiyey.

Beesha Caalamku waxay waxay ku cadaadiyeen inuu Madaxweyne Xasan Sheekh meel iska dhigo Danihiisa gaarka ah oo uu eego danta ummadda Soomaaliyeed uuna meel mariyo  Hanaanka Doorasho ee lagu soo Heshiiyey.

223-6d2
Beesha Caalamku ayaa waxay Madaxweynaha usoo jeedsheen haddii Baarlamaanka DFS uu Ansixin waayo Hanaanka Doorashada iyadoon waxba laga badalin waxna lagu darin(Duuduub iney ku meel mariyaan), inuu soo saaro Wareegto uu ku meel marinayo Hanaanka Doorasho ee lagu soo Heshiiyey.

Marka uu meel mariyo Hanaanka Doorasho ee lagu soo Heshiiyeyna uu kala diro Baarlamaanka DFS oo uu u harsan yahay waqti aad u yar.
Wararku waxay intaas ku darayaan inuu ka Fakarayo madaxweynuhu sidii uu dalabka Beesha Caalamka u meel marin lahaa.

Puntlandes.com

About The Author