XOG: Madaxweyne Gaas oo la shiray Wakiilada Beesha Caalamka ee Muqdisho ku sugan?
21 May 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa shir la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee Fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, iyagoo si adag uga wada hadlay xaalad Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya uu iminka ku sugan yahay iyo Doorashada dhawaan la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo.
Madaxweyne Gaas ayaa u cadeeyey Beesha Caalamka in ay Puntland sameysay wadiiqo kasta oo lagu gaari karay Horumarka Ummadda Soomaaliyeed, balse ay diideen oo ay ka hor yimaadeen dad leh dano siyaasaded oo gaar ah.
Madaxweynuhu wuxuu warqad rasmi ah u gudbiyey wakiilada caalamiga ah, taasoo ay ku dhan yihiin go’aamada ay Puntland qaadanayso haddii la ansixin waayo heshiisyadii ay goobjoog ka ahaayeen Beesha Caalamka, gaar ahaana dhismaha Aqalka Sarre.
Madaxweyne Gaas ayaa si cad ugu sheegay Beesha Caalamka In aysan Puntland qeyb ka noqon doonin doorasho wax laga bedelo iyo In laga leexdo dhabihii horey loo jeexay, wuxuuna intaas kusii daray inay qaadi doonaan masuuliyadda ka dhalata cidii talaabadaas samaysa Cidda diidan Heshiiskii horay loo gaaray.
Wakiilada Beesha Caalamka waxay sheegeen in ay la qabaan dareenka Puntland ayna go’aamo deg deg ah sameyn doonaan arintan haddii ay sidaask u dambayso.
Beesha Caalamku ayaa waxay si talantaali ah usoo saarayaan Qoraalo loogu digayo Cawaaqin Xumada ay kala kulmi doonaan madaxda DFS haddii ay ku sii adkaystaan diidmadooda Hanaaka Doorasho ee lagu soo Heshiiyey.
Puntlandes.com