Kullankii Barlamanka oo baaqday & madaxda Soomaalida oo shir deg deg ah u socdo

21 May 2016 (Puntlandes) Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu waday inay maanta oo Sabti ah kaga doodaan Hanaanka doorashada 2016 ayaa dib u dhac ku yimid, kadib markii uu Guddoonka Baarlamaanka DFS ka codsaday Xildhibaanada inay fursad siiyaan shirar u socda Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran.

223-7a

Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Xildhibaanada u sheegay in dib loo dhigay kulanka Baarlamaanka illaa labo maalmood, iyadoo arrimaha la isku haayo ee ku jira heshiiskii Madaxda Madasha Wadatashiga ku gaareen Muqdisho dib go’aan looga gaarayo.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxda Madasha ay diidan yihiin go’aan ay gaaraan Baarlamaanka, isla markaana wax laga bedelo heshiiskii hanaanka doorasho ee 12-kii bishii April Muqdisho ku gaareen.

Qaybta taageerna Kooxda DAMUL JADIID ee Baarlamaanka DFS ayaa soo jeediyey in gebi ahaanba la baabi’iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka, iyadoo Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ay arrintan si gaar ah uga arrinsanayaan.

Baarlamaanka ayaa u muuqda mid u xayiran meel marinta Hanaanka geeddi socodka doorashada 2016, iyadoo Beesha Caalamka ay ka dhur-sugayaan ansixinta qaabka doorashada, si loo guda galo arrimaha doorashooyinka oo ay haatan ka harsan yihiin labo bilood.

Lama oga go’aanka ay isla qaadan doonaan Madaxda Madasha wadatashiga qaran oo dhexdooda ku kala aragti duwan arrinta dhismaha Aqalka sare in lagu soo daro Gobolka Banaadir.

Puntlandes.com

About The Author