BREAKING NEW: Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray Wareegto lagu meelmariyey Hanaanka Doorashada
22 May 2016 (Puntlandes) War lagu kalsoonyahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa xaqiijinayey in Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh uu soo saaray Wareegtay uu ku meel maray Hanaanka Doorasho ee lagu Heshiiyey.
Madaxweyne Xasan ayaa Beesha Caalamku waxay Cadaadis xoogan ku saartay inuu ka boodo Baarlamaanka oo isagu soo saaro Wareegto lagu meelmarinayo Hanaanka Doorasho ee lagu Heshiiyey oo waxba laga bedelin, Hanaankaasoo uu asal u ahaa Heshiiskii Garowe ay ku gaareen Dawalada Puntland iyo DFS.
Warar ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Xasan tan iyo Shalay ku mashquulsanaa inuu Puntland ka dhaadhiciyo in Muqdisho lasiiyo 4 kursi Aqalka Sare,tasoo guul daro ku dhamaatey.
Raysal wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake iyo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhegay in aan hal qodob wax laga badalin Heshiisyadii horey loo gaarey iyadoo.
Madaxweyne Gaas uu ku eedeeyey Madaxweyne Xasan in Buuqa hadda socda uu isagu mas’uul ka yahaymadaama uu hada u raadinayo Muqdisho isaguna uu horay u diiday in Muqdoisho hesho Xaqeeda,kadib markii ay Puntland dhowr jeer soo jeedisay in wax lagu qaybsado 18kii Gobol oo Banadir ay kamid ahayd.
Warar ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in ay Buuq iyo Qaylo dhaan ay bilaabeen Xildhibaanada Baarlamaanka DFS kadib markii ay ka war heleen Wareegtada uu madaxweyne Xasan soo saaray iyo in iyaga laga dul tilaabsaday.
Faahfaahin kala soco Warbaahinta Puntlandes