Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo soo dhaweeyay ansixinta sharciga xanaanada
7 June 2016 (Puntlandes) Iyadoo shalay Mudanayaasha Baarlamaanka DFS ay ansixiyeen Sharciga Xanaanada Xoolaha ayaa waxaa Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa ee DFS ay soo dhoweysay talaabadii uu Baarlamaanka sharcigaas ku meel mariyey.
Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee DFS Siciid Xuseen Ciid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay talaabadii baarlamaanka uu sharcigaas ku meel mariyey, isagoo sheegay in sharciga xanaanada xoolaha uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka.
Sidoo kale Wasiirka xanaanada xoolaha ayaa sheegay in sharcigan meel marintiisa uu kusoo aaday xilli loo baahnaa iyo in la dhiiri geliyo caafimaadka xoolaha iyo ganacsigooda.
Shalay ayaa mudaniyaasha Baarlamaanka DFSkulan ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxa ay ku ansixiyeen sharciga Xanaanada Xoolaha, iyadoo ay ogolaadeen 150 mudane halka sedax mudanena ay ka aamustay,waxaana sidoo kale ansixinta sharcigan uu kusoo beegmayaa xilli dhawaan dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen iskaashiga caafimaadka xoolaha.
Puntlandes.com