Gudiga KMG ee Doorashooyinka PL oo soo gabagabeeyay dib u eegida xeerarka Axsaabta siyaasadda & Doorashooyinka Dowladdaha Hoose ee Puntland

7 June 2016 (Puntlandes) Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa soo gabagabeeyay kulan muddo ku badan 7 casho ah ay uga doodayeen xeerarka Axsaabta siyaasadda iyo Doorashooyinka Dowladdaha Hoose ee Puntland.

225-3a

Guddoomiyaha guddiga Axmed Maxamed Cali Kismayo ayaa yri mar uu faah faahin ka bixiyay akhrinta ay ku sameeyeen xeerarkaasi “Dhammaan labadaasi xeer waan akhrinay ishaan wada marinay annagoo xaraf xaraf u dul istaagnay, runtii howshaasi si wanaagsan ayay u qabsoontay inagoo wax kabadalis iyo wax ku darisba ku samaynay, sidaasi darteen waxaan dhawaan u gudbin doonaan Barlamanka markuu 15 bishan u furmo kalfadhigoodii Dastuuriga ah,”

Gudoomiye Kismaayo ayaa dhanka kale xusay inay jiraan qodobo aysan wax ka badal ku samayn karin, kuwaasi oo ay ka mid yahay kala xadaynta Degmooyinka Puntland, isagoo sheegay in arrintaasi u daayeen xukuumadda iyo Barlamanka islamarkaana ay ka sugayaan inay u howlgalaan sidii arrintaasi loo caddayn lahaa.

Dhagayso guddiga Gudoomiyaha KMG ah ee doorashooyinka Puntland Axmed Kismaayo

Puntlandes.com

About The Author