Baarlamaanka DFS oo cod u qaadaya Dastuurka Kooxda DAMUL JADIID uguna yeerayso mid Soomaaliyeed!!
8 June 2016 (Puntlandes) Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa maanta oo Arbaco ah ku kulmaya xarunta Golaha shacabka, iyagoo COD u qaadaya Dastuur ay Kooxda DAMUL JADIID jeebka kala soo baxday kaasoo ay doonayaan inay ku bedelaan kii ay ummadda Soomaaliyeed ku Heshiisay.
Xildhibaanada ayaa waxay cod u qaadayaan wax ka bedelka Dastuurka, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay ay dib u eegista iyo wax kabedel ku samaynaysay Kooxda ka talisa Villa Somalia ee DAMUL JADIID kaasoo ay wixii aan u cuntamid ka saareen Dastuurkii Soomaaliyi ku Heshiisay.
Illaa 10 cutub oo ka mid ah Dastuurka ayaa la sheegay in Kooxda DAMUL JADIID ay ku sameysay wax ka bedel, waxayna doonaysaa Kooxda DAMUL JADIID inuu bedelo kii lagu Heshiiyey.
Dhanka kale Xildhibaanada Baarlamaanka DFS oo ay u harsan tahay wax ka yar 2 bilood iyo bar ayaa hada waxay Kooxda DAMUL JADIID ku amartay Gudoomiye Jawaari inuu ka gaarsiiyo oo meel mariyyo dhamaan doonitaanka Kooxda DAMUL JADIID.
Dastuurka Kooxda DAMUL JADIID waxaa lagu wiiqay oo aanba jirin Federaalnimadii ay Soomaaliya qaadatay, waxaa meesha laga saaray jiritaanka Raysul Wasaaraha iyagoo ku bedelay madaxweyne kuxigeen iyo Qodobo kale aad u fara badan.
Waa su’aale xaggee buu ka shaqayn Dastuurka Kooxda DAMUL JADIID ay DHOODHOOBATAY? Maxaase ay Kooxda DAMUL JADIID usoo bandhigi wayday Dastuurka waxyaalaha ay ka bedeleen amaba ay iska tuureen?
Xaggee lagu arkay Dastuurka ummaddi ay yeelanayso oo qol mugdi ah inta lala galo iyadoon cid ka war haysa aysan jirin la yiraahdo Baarlamaan ayaan ka Sharciyeysanay?
Haddiise uu leeyahay Awood uu wax ku meel marin karo Baarlamaanka Jawaari ee Kooxda DAMUL JADIID maxay u meel marin waayeen HANAANKA DOORASHO ee Garowe ay ku saxiixeen 3dii April DFS iyo Puntland kadibna kusoo baxay Madasha Wada Tashiga 12kii April 2016, waa tii laga dul boodee?
Soomaaliya waxay ku jirtaa dawlad dhisid lagamana yeelayo inay Kooxi Afduubto dawlad dhisida Soomaaliya.
Puntlandes.com