Dhagayso: Maamulka Gobolka Mudug oo ka hadlay Dilkii gudomiyihii Ururka Haweenka ee Gobolka Mudug
8 June 2016 (Puntlandes) Maamulka Gobolka Mudug ayaa ka hadlay dilkii Afurkii caawa loogu gaystay magaalada Gaalkacyo Gudoomiyihii Ururka Haweenka Gobolka Mudug Dhudi Yuusuf Aaden oo ay gaysteen dabley hubaysani.
Gudoomiye kuxigeenka labaad ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur yare oo wareysi siiyay Radio Galkacyo ayaa ka tacsiiyey geerida Allaha unaxariistee Marxuumad Dhudi Yuusuf.
Gudoomiye Axmed ayaa ka warbxiyey Shaqadii wanaagsanayd ee ay Bulshada Gobolka Mudug u haysay, isagoona sheegay inay kaalin aad u wanaagsan ay kaga jirtey Gobolka Mudug.
Dhagayso Gudoomiye kuxigeenka labaad ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur yare
Puntlandes.com