Dhagayso: Madaxweyne Axmed Madoobe oo si faahfaahsan u sharxaya Sababta ay Muqdisho kuraas uga wayday Aqalka Sare & Hanaanka Doorasho ee lagu Heshiiyey &

8 June 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa khudbad uu u jeediyey Baarlamaanka Jubaland waxa uu uga hadlay si faahfaahsan Hanaanka Dpoorasho ee lagu Heshiiyey.

225-3a4

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Xildhibaanadii loo qaybiyey dawlad Goboleedyada jira iyo kuwa iman doona marka laga reebo kuwa kasoo galaya Somaliland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sharxay sababta ay magaalada Muqdisho uga wayday Kuraas Aqalka Sare, kaasoo ay wateen qaar ka mida madaxda Soomaalida laakiin lagu diiday.

Axmed Madoobe ayaa sheegay marka Maqaamkeeda meel la saaro oo ay noqoto Caasimad Soomaali oo idin ay u dhan tahay oo aysan qolo gooni ah aysan sheeganayn in la siin doono Kuraasta ay ku yeelan lahayd Aqalka sare.

Dhagayso Axmed Madoobe

Puntlandes.com

About The Author