AMISOM oo ka hadashay Weerarkii lagu qaaday xerada Halgan

9 June 2016 (Puntlandes) AMISOM ayaa ka hadashay weerar saakay ay Alshabaab ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah AMISOM ku lahaayeen deegaanka Halgan, kaasoo isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah.

224-6a6
War qoraalo ah oo Barta AMISOM ee Twitter-ka lagu baahiyay ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay iska caabiyeen weerarkii Alshabaab kusoo qaadeen saldhigooda ku yaala deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

AMISOM ayaa sheegtay in ay ka hortageen weerarkii Alshabaab ayna ku jabiyeen weerarkaasi, waxa ayna tilmaameen in ay kudaba jiraan firxadka dagaalyahandii Alshabaab ee weerarka kusoo qaaday Deegaanka Halgan.

AMISOM ayaa intaas kusii dartay inay ka qabsadeen Alshabaab Hub iyo Saanad milateri, kamana aysan hadlin qasaaraha weerarkan saakay dhacay kasoo gaaray iyo midka dhankooda Alshabaab gaarsiiyeen, waxaana wararka la helayo sheegayaan in ay jiraan qasaaro xoogan oo labada dhinac kasoo gaaray weerarkaasi.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dileen Ciidanka AMISOM ee ay fariisinka u ahayd Xerada Halgan Askar gaaraysa 43, lamana hayo warar Xaqiijinaya sheegashadaasi.

Puntlandes.com

 

About The Author