Alshabaab oo qiratay 16 in looga dilay dagaalkii Halgan & Itoobiya oo sheegtay inay 120 ka dishay
9 June 2016 (Puntlandes) AMISOM iyo Alshabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerar saakay ay Alshabaab ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada Itoobiya oo qayb ka ah AMISOM ku lahaayeen deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, kaasoo isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah.
War kasoo baxay Alshabaab
Alshabaab ayaa sheegay in 16 dagaalyahan looga dilay weerarkii ay ku qaadeen Halgan, iyagoo intaas kusii daray in in ay ahaayeen dagaalyahano aad u dhibaateeyay ciidamada Itoobiya uguna daatay dhufeesyadii ay ku jireen.
Alshabaab ayaa inaat kusii darata inay Ciidamada Itoobiya ay weerarkaas uga dileen in ka badan 43-askari ayna ka furteen hub iyo saanad milatari, waxa ayna Alshabaab guul ka sheegteen dagaalkii cuslaa ee ku qaadeen Saldhiga Ciidamada AMISOM ee deegaanka Halgan.
War kasoo baxay Itoobiya
Safaarada dowlada Itoobiya ee ku taala magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay weerarkaasi ay soo qaadeen Alshabaab lagu gaarsiyay khasaaro aad u badan.
Kamaaludiin Mustafa oo ka tirsan Safaarada dowlada Itoobiya ee Muqdisho ayaa yiri “Weerarkaan Al-Shabaab waxaa looga dilay 120 Maleeshiyaad ah, sidoo kale waxaa looga furtay Hub Badan oo ay ka midyihiin K47 oo ka badan boqol qori, garneelada garbaha laga rido iyo gaadiid dagaal.”
Sidoo kale wuxuu sheega in Al-Shabaab ay Afar jiho ka soo weerareen Safaarada laakiin ciidamada AMSIOM oo u diyaarsanaa inay ka hortagaan weerarada nuucaan oo kale ah ay fashilyeen weerarkaas.
Puntlandes.com