Sawirro: Madaxweynaha koofur galbeed oo Imaaraadka kala wareegay deeq Gaadiid ah
9 June 2016 (Puntlandes) Danjiraha dowladda Emirateka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Othman Al Hammadi, ayaa maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ku wareejisay 11 gaadiid ah, oo qayb ka ah taageerada Emirateka uu siinayo dowladda dhexe Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada dalka ka ka dhisan.
Deeqdan oo ka kooban 11 gaadiid ooa isugu jira gawaarida aan rasaastu karin, kuwa ciidanka, Booyad iyo mid ka mid ah gawaarida gurmadka deg dega iyo gaargaar kale ee Cunto oo bisha barakeysan ee Ramadaanka loogu tala galay masaakiinta, waxa Safiirka Emirate-ka Carabta u fadhiya Soomaaliya, danjire Maxamed Axmed Othman Al Hammadi, Arbacadii Shalay ku wareejiyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xafladii lagu kala guddoomayay deeqdan oo ka dhacday Xarunta safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho hadal gaaban oo munaasabadaa ka jeediyay Danjire Maxamed Axmed Othman Al Hammadi, waxa uu uu sheegay in taageeradan ay qayb ka tahay midda Emirate-ka Carabta uu siinayo Dowladda Soomaaliyaayna sii socon doonto.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasaan Sheekh Aadan oo deeqdan kula wareegay Magaalada Muqdisho, ayaa Emirate-ka Carabta kaga mahadceliyay deeqda uu soo gaarsiiyay Maamulka uu hogaamiyo, wuxuuna ku amaanay Dowlada UAE, sida ay mar kasta u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Somaliyeedba.
Safaaradda Emirate-ka Carabta ay ku leedahay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay Somaaliya Gobolada dalka Soomaaliya uga fulisay mashaariic kala duwan ee xagga bani’aadanimada la xiriirta.
Puntlandes.com