Baarlamaanka oo meel mariyay hindise sharciyeedka Maxkamadda Dastuuriga & guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha & Federaalka

11 June 2016 (Puntlandes) Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kullankii maanta ee Baarlamaanka DFS shir guddoominayay waxaana looga dooday qaarna lagu ansixiyey qodobo kala duwan.

223-2a2

Hindise sharciyeedka Maxkamadda Dastuuriga

Ugu horayn Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa guda galay u codeynta Hindise sharciyeedka Maxkamadda Dastuuriga oo soo maray marxalado kala duwan, waxaana codeyn gacan taag ah ku ogolaatay 148 mudane sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Hindise sharciyeedka dhismaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha & Federaalka!!

Xildhibaanada ayaa u codeeyay in wax ka badal lagu sameeyo hindise sharciyeedka dhismaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, si loo kordhiyo muddada jiritaanka guddiga, maadaama sharcigaas uu farayo qodobkiisa 10-aad in guddiga uu la dhamaanayo jirintaanka madasha sagaalaad oo ah baarlamaanka hadda dhisan, waxaana Xildhibaanada ay u codeeyeen jiritaanka guddiga Baarlaamanka tobnaad oo ka dhigan in uu sii shaqeynayo ilaa iyo 2020-ka.

Tani waa ku tumasho Dastuur iyo wixii lagu Heshiiyey, Guddigani hore uma shaqayn oo waxa uu u shaqayn waayey Dawalada Puntland oo diiday maadaama ay Kooxda DAMUL JADIID kaligeed iska magaacabatay. Guddigan ma haysto Kalsoonida ummadda Soomaaliyeed waana taas mida uu la shaqayn waayey.

Yaa Sharciyada u siiyey inay 4 sano oo la bilaabanaysa Baarlamaanka cusub ay u kordhiyaan Guddi aan Kalsooni ka haysan ummadda Soomaaliyeed oo ay Kooxi leedahay meel uu ka shaqaynayaana aysan jirayn?

Soow la isma waydiin karo micnaha loogu heshiiyey in Jiraanka Guddigani ay la dhamaanayso baarlamaankii Doortay? Sidee bayna uga hortilaabsadaan Dastuurka? SOOWNA MA HABOONA INAY MADAXWEYNHA SOO SOCDANA AY IMINKA DOORTAAN?

Shaqsiyaadka noocaa u shaqaynaya ayaa maanta Soomaali Xildhibaano ugu magaacaban, dhibka ragaadiyey dhisidda dawladnimada Soomaaliyana iyagaa koow ka ah.

Akhrinta koowaad hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha

Dhaka kale Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mariyay akhrinta koowaad hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha, iyadoo baarlamaanka ay horkeentay Wasaaradda tamarta iyo biyaha, waxaana Xildhibannada hor tegay Wasiirka Tamarta iyo biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Xildhibanada u sharxay muhiimadda uu sharcigan u leeyahay.

Puntlandes.com

About The Author