Maalintii 2aad oo Barlamanka DFS la horkeenay inay u codeeyaan Dastuurka Cusub ee Damul Jadiid

11 June 2016 (Puntlandes)  Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta shir guddoominayey kulankii maanta ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka markale xusuusiyay muhiimadda ay leedahay in ay wax ka badal ku sameeyaan Dastuurka oo ay u codeeyaan, si loo badbaadiyo dastuurka, waa sida uu hadalka u dhaye.

222-5c3

Guddoomiye Jawaari ayaa waqtiga uu hayaa waxaana ay Kooxda Villa Somalia ee DAMUL JADIID ay saartay cadaadis kii u darnaa iyagoo dooonaya inay si Qar iska Xoornimo ah ay ku meel marsadaan RABITAANKOODA ayna ku doodaan Baarlamaanka DFS ayaa XALAALEEYEY.

Mid ka mid ah Qodobada ay gadaal ka riixaysay Kooxda DAMUL JADIID waa uu meel mariyey maanta Jawaari, wuxuuna ahaa in Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo waqtigiisu uu la dhacayo  Baarlamaanka iminka ay dib u doortaan 4 sano oo ay la shaqayn nayaan Baarlamaanka cusub ee imanaya laba bilood kadib.

Guddigan ayaa waxaa dastuurka ku qoran inuu la dhacayo Baarlamaanka Doorta!!.

Kooxda DAMUL JADIID ayaa waxay soo samaysatay Dastuur Cusub oo ay doonayaan inay Soomaaliya yeelato laguna bedelo kan iminka jira, waxay Jawaari ku amreen inuu Baarlamaanka ka Ansixiyo Dastuurkooda.

Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka KMG ee Baarlamaanka DFS Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim o oka socota dhanka Kooxda DAMUL JADIID ayaa sida Gudoomiye Jawaari maanta Xildhibaanda Baarlmaanka ka codsatay inay ”badbaadiyaan Dastuurka” oo ay wax ka badal ku sameeyaan, si loo meel mariyo, CAJIIB.

Puntlandes.com

About The Author