Ereteriya oo ku eedaysay Ethipia inay ku xadgudubtgay Xuduudeeda
13 June 2016 (Puntlandes) Dowlada Ereteria ayaa ku eedaysay Ciidamada Dowladda ay jaarka yihiin ee Ethiopia inay weerar ku qaadeen dhanka Xadka Ereteria.
Laakin Masu’uul ka tirsan Xukuumada Addis-ababa ayaa sheegay inuusan waxba kala soconin dagaal ciidamada labada dal isaga hor yimaadeen degaanka Tasuruna ee dhaca xadka kala qeybiya labadaasi wadan.
Wasaarada Warfaafinta ee Ereteriya bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in shalay oo ahad aheyd ay Ciidamada Ethiopia weerar ku qaadeen dhanka xuduuda Ereteria,balse Ethiopia ayaa arrintaasi iska fogeysay.
Dowlada Ereteria ayaa waxay xurnimadeeda ka qaaday Ethiopa sanadkii 1991dii, balse mar kala ayaa waxaa labada dal ku qarxay dagaal sanadkii 1998 kaasoo socoday ilaa 2000,wixii xiligaa ka dambeyana waxay labadaasi dal noqdeen kuwo cadow isku ah, iyadoo weli Ciidamadooda ay iska soo horjeedaan xuduuda ay wadaagaan, waxaana socoday mudadaasi eedaymo ay isdhaafsanayeen Ereteriya iyo Ethiopia.
Waxaa kaloo jiraa khilaaf xooggan ee dalalkaasi kaga dhaxeeya lahaanshaha magaalada lagu magacaabo Badmi, taasoo qaraamada midoobay u ansixisay inay ka tirsan tahay dhulka Ereteria,laakiin waxaa weli gacanta ku haysaa Ethiopia.
Puntlandes.com