Dhagayso: ”Sabtidii ayaa waxaa bilowday CODAYNTA wax ka bedelka Dastuurka 16ka bishan ayuuna Jawaari soo bandhigi doonaa Natiijada”

Baarlamaanka faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta fadhi ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho,waxaana kulankooda looga hadlaya qodobo muhiim ah oo uu ka mid yahay Dastuurka Cusub ee ay doonayso Kooxda DAMUL JADIID.

223-2a2

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka hadlay halka uu marayo Dastuur bedelidii Kooxda DAMUL JADIID ayaa sheegay inay bilaabatay Codaynta Wax ka bedelka Dastuurka 11kii bisan ayna socon doonto ilaa 15ka bishan lana soo afmeermayo 16ka bishan uuna Gudoomiyuhu ku dhawaaqi doono natiijada codbixinta.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo baarlamaanka ka mid ah ayaa yri ”Sabtidii ayaa waxaa bilowday CODAYNTA wax ka bedelka Dastuurka 15 kana way soo dhaamanysaa 16ka bishana Jawaari ayaa soo bandhigi doonaa natiijada Codaynta”

Xildhibaan ayaa sheegay inay u baahan yihiin 184 cod si ay u bedelaan dastuurka.

Waxaa wax lala yaabo ah in Codayn soconaysa 5 maalmood oo Xildhibaan  walba uu maalintuu doono imaanayo oo uu Codka ku ridayo sanduukh. Sida ku cad hadalka Xildhibaanka ma jirto maalin loo codaynayo, taasoo ay khasab tahay inay Baarlamaanka Xaadir ku yihiin ugiu yaraan 184 ka Xildhibaan ee loo baahan yahay inay haa ku codeeyaan.

Xaggee bay ka dhacdaa 5 cisho …… markaad rabto dhiibo cadkaaga kadibna waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS ku dhawaaqayaa waxaa codeeyey oo ogol yiri in ka badan 184 Xildhibaan!!!CAJIIB

Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS ayaa Kooxda DAMUL JADIID waxay saartay Culays aad wayn inuu meel mariyo Dastuurkooda inta uusan xirmin Kalfadhiga Baarlamaanka oo ay ka wax aad u yar.

Dhagayso Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud

Puntlandes.com

About The Author