Sawiro: Xukuumada cusub ee Jubaland oo maanta ladhaariyey
14 June 2016 (Puntlandes) Waxaa maanta lagu dhaariyey magaalada Kismaanyo ee Xarunta KMG ee Jubaland Madaxwayne ku xigeenada Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud lugu dheere iyo Wasiirada iyo wasiir ku xigeenada cusub ee Jubaland ee uu dhawaan soo magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe 15kii iyo 18kii bishii May .
Gudoomiyaha baarlamaanka Jubaland Cabdi Cabdirahmaan Maxamed ayaa dhaariyey labada madaxweyne kuxigeen iyo dhamaan wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada oo ka koobnaa 35 xubnood.
Puntlandes.com