Sawiro: Kalafadhigii Baarlamaanka Puntland oo saakay furmay

15 June 2016 (Puntlandes) Maanta ayaa waxaa si rasmiya u furmay kalafadhigii 37aad ee caadiga ahaa Baarlamaanka Puntland.
 
Kalafadhigan oo uu shir gudoominayo  kuxigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka CabdiXamiid Cabdisalaan Ciise ayaa qodobada horyaal oo ay ka doodi doonaan waxaa ugu wayn miisaniyadda iyo xisaab celinta iyo qodobo kale oo ka mid ah shaqooyinka caadiga ah ee baarlamaanka. majiraan qodobo xasaasiya oo xiligan golaha horyaal.
 
Kalfadhiga Baarlamaanka ee furmay saakay waxaa khudbadisii sanadlaha ee waxqabadka xukuumada ka horjeedanaya madaxweyne Gaas.
Sidoo kale waxaa kalafadhiga 37aad ee golaha Baarlamaanka kasoo qaybgalay golaha wasiirada,saraakiisha laamaha amaanka,isimo,aqoonyahano,iyo marti sharaf kala duwan oo lagu casumay.
Dhanka kale waxaa dalka ka maqan Gudoomiyahii baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi,isagoo umaqan arimo qoys oo caafimaad ku salaysan,waxuuna ku sugan yahay dalka Hindiya.
 Faahfaahin kala soco Puntlandes.com






Puntlandes.com

Visit website

About The Author