Daawo-Dhagayso: Baarlamaanka DFS oo diiday laalay Qorshihii Damul Jadiid waxna ka bedelay 2 qodob oo ka mid ah Dastuurka JF

15 June 2016 (Puntlandes) Baarlamaanka DFS ayaa maanta waxa uu soo gabagabeeyey wax ka badal ay ku sameeyey 2 qodob oo ka mid ah Dastuurka KMG ah ee dalka Soomaaliya, iyagoo waday codaynta laga soo bilaabo sabtidii ay bishani ahayd 11ka ilaa maanta.

Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka DFS Jeylaani Nuur Iikar ayey Xildhibaanada waxa ay wax ka badal ku sameeyeen qodobka 60aad farqadiisa 1aad iyo qodobka 136 farqadiisa 2aad ee dastuurka KMG ah.
225-8c3
Baarlamanka ayaa u codeeyay in wax ka badal lagu sameeyo labadan qodob, waxaa soo xaadiray kulanka 215 mudane, waxaana ogolaatay 208 mudane afar way diiday, halka saddex kale ay ka aamuseen sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar.

Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim Guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamanka ayaa waxay difaacday inaysan hadafkoodu ahayn in ay waqtiga kororsadaan.
Qodobka 136 farqadiisa labaad ayaa qorayay in mudada dastuurka ay tahay mudada baarlamaanka sagaalaad ee hada wakhtigu ka dhamaanayo ayna tahay in Baarlamaanka iminka uu wax ka bedel ku sameeyo, waxaana qodobkaas laga dhigay in Dastuurka loo daayey Baarlamaanka soo socda.

Waqti Kororsi aan dhamaad lahayn!!

Qodobka 60 aad ayaa la sheegay in uu qorayay Baarlamaanka wakhtigiisu waa 4 sano oo kaliya, waxaana qodobkaas loo badlay in Baarlamaanka Soomaaliya ay shaqayn doonaan ilaa Baarlamaan Soomaaliyeed laga dhiso in kan shaqayn doono.

Rabitaankii Kooxda DAMUL JADIID oo shaqayn waayey

Kooxda DAMUL JADIID ayaa waxay doonaysay in gabi ahaanba bedesho Dastuurkii ay ummadda Soomaaliyeed kusoo heshiisay, taasoo markii ugu horaysay uu ka diiday Baarlamanka DFS.

Tani waa guul usoo hoyatay ummadda Soomaaliyeed iskabana imaan ee waxaa keenay markii la isku raacay Xildhibaanada soo socda waxay ku imaanayaan qaab dawlad goboleed iyagoo ka cabsi qaba haddii ay u Codeeyaan Qorshaha Kooxda DAMUL JADIID  inay ku adkaan doonto inauy dib usoo laabtaan.

Dhagayso warbixin ay VOA ka diyaarisay

Puntlandes.com

About The Author