Dhagayso: Dastuurkii DAMUL JADIID oo uu Baarlamaanka DFS diiday inuu meel mariy
15 June 2016 (Puntlandes) Guddi ka tirsan Baarlamanka DFS oo ay maalgelisay Kooxda DAMUL JADIID ayaa mudooyinkii u dambeeyey waxay ku hawlanaayeen inay Dastuurkii lagu heshiiyey ku belayaan mid ay DAMUL JADIID keensatay.
Waqtiyadii u dambeeyey ayaa waxaa fadhi u ahaa Gudigaas magaalada Nairobi iyagoo ku hawlanaa sidii ay ku bedeli lahaayeen Dastuurka 15 cutubyo oo uu ka kooban yahay Dastuurka.
Guddigan ayaa sida aad warbixin ay VOA ka diyaarisay waxay QIRANAYAAN inay 14 Cisho kusoo dhameeyeen wax ka bedelida Dastuurka CAJIIB, hada ogow waa Dastuur dal dhan leeyahay.
Waxaa guul u ummadda Soomaaliyeed in Baarlaamnka DFS uu diiday Qorshihii Kooxda DAMUL JADIID uuna u daayey wax ka bedelka Dastuurka Baarlamaanka bedeli doona kan iminka jira, halkan ka akhriso, dhagayso, daawo qoraal go’aanka Baarlamaanka ku saabsan.
Dhagayso VOA oo waraysatay Guddoomiyaha guddihgaas Maryan Cariif Qaasim iyo ku xigeenkeeda
Puntlandes.com