Wafti ka socda Puntland oo Kenya kulamo kula qaatay hay’adda tababarka Shaqaalaha dalka Kenya
Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxaa gaaray wafdi kasocda dawladda Puntland oo uu hogaaminayey Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Dawladda Puntland, wafdigaas oo ka kooban Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, hay’adda shaqaalaha rayid ka ah, Jaamacadda PSU iyo xubno katirsan Madaxda guddiga mashruuca tayeynta shaqaalaysiinta ee xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland (PCU).
Ujeedada booqashada wafdigaan ayaa ahaa inay u kuur galaan ayna doortaan hay’adda lala mataaneen lahaa jaamacadda PSU oo tababari doonta shaqaalaha dawladda Puntland si’ ay isku kaashadaan labada hay’adood dhinaca tababar ka shaqaalaha dawladda.
Wafdigaan wuxuu booqanaya hay’adaha tababarka Shaqaalaha dawladda ee wadamada Kenya, Tanzania, itoobiya iyo Uganda si loola saxiixdo heshiisyo la xiriira iskaashiga arrimahaan.
Wafdigan ayaa kulamo la qaatay 6da bisha June ee 2016 madaxda hay’adda tababarka shaqaalaha dawladda Kenya si ay u ogaadaan nooca tababarada ay siiyaan shaqaalaha dawladda kenya iyo arimaha la isk kaashan karo ee ku aadan tababarka shaqaalaha.
Tababarada lasiin doono shaqaalaha dawladda ayaa kamid ah dib-uhabeynta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda Puntland, tayaynta iyo tababarida shaqaalaha ayaa imanaysa xili uu Madaxweynaha dawladda Puntland mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas horay u ballanqaaday in dib u habaynta shaqaalaha dawladu ay tahay mid ka mid ah shaqooyinka uu mudnaanta koowaad uu siindoono muddada uu xilka hayo.