BREAKING NEWS: Madaxweyne Xasan Sheekh & RW Sharmarke oo oo khilaafkoodu meeshii ugu xumayd uu gaaray (XOG)

16 June 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ilo u dhuun daloola ka ogaatay in magacaabidda Guddiyada Doorashada ee heer Federaal iyo dawlad Goboleed uu khilaaf wayn ka jiro.

Khilaafka ayaa u dhexeeya madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iyo Raysul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, waana taas mida keentay in la shaacin waayo Guddiyada oo intoodii badnayn lasoo magacaabay.

217-3b

Meesha khilaafka ugu weyni ka taagan yahay ayaa ah sida ay Warbaahinta Puntlandes ogaataya cidda soo magacaabeysa Guddiyada matalaya Beelaha Waqooyi oo uu madaxweynuhu doonayo in Raysul wasaare kuxigeenka DFS Maxamed Cumar Carte uu soo magacaabo, halka Raysul Wasaaruhu leeyahay waa shaqo u taal odayaasha Beelaha iyo xafiiska Raysul wasaaraha oo howshaan loo igmaday.

Beesha Caalamka oo ku dhex jirta arrimaha Soomaaliya ayaa waxay yiraahdeen waxaa quman in Xafiiska Raysul wasaaraha looga dambeeyo maadaama uu mas’uul ka yahay howlaha Doorashada oo dhan.

Arrintan madaxweyne Xasan Sheekh waa ku gacan sayray, iyadoo keentay inay shaqadii bilaaban lahayd ay istaagto. Dhamaan howlihii socday ayaa la hakiyey ilaa iyo Shirka la filayo inay Baydhabo isugu yimaadaan Madaxda Hoggaanka Qaran.

Waxaa lagu waday shirka baydhabo ee Madasha Hoggaanka Qaran inuu qabsoomo 20-22-ka bisha Juun 2016, laakiin iminka waxay Warbaahinta Puntlandes ogoaatay inuu dhici doono bishan June 22-24, 2016 iyadoo si wayn loogu falanqeyn doono arrintan Khilaafka keentay.

Puntlandes.com

About The Author