BREAKING NEWS: Madaxweyne Xasan Sheekh oo si iskiis ah u Shaaciyey Gudiga Doorashada ee Heer Federaal & RW Cumar oo berri imanaya
17 June 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa si iskiis ah u shaaciyey Gudiga Doorasha ee Heer Federaal iyadoo uusan la ogayn Raysul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.
Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay ogaatay in uu ka dhex jiro madaxweyne Xasan iyo Raysul wasaare Cumar khilaaf aad u ballaaran oo ku saabsan magacaabitaanka Guddiga Doorashada iyo sida loo maamulayo Doorashad, halkan ka akhriso Xog ay shalay qortay Warbaahinta Puntlandes.
Raysul wasaare Cumar oo dalka berri galab kusoo laabanaya
Raysul wasaare Cumar ayaa waxa uu ku maqnaa booqasho dalka dibadiisa ah waxaana lagu wadaa inuu berri galab kusoo laabto magaalada Muqdisho oo fadhi u ah DFS, isagoo aad uga biyo diidan Guddiga Doorashada oo uu si iskiis ah u magacaabay madaxweynaha DFS Xaxan Sheekh.
Beesha Caalamka oo Gaashaanka u Daruurytay Guddiga Doorashada ee uu Xasan Sheekh soo magacaabay
Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay kaloo XOG ku heshay in Guddiga Doorashada ee uu Xasan Sheekh soo magacaabay ay diideen dhamaan Wakiilada Beesha Caalamka ee Muqdisho ku sugan iyo kuwa kale ee aan ku sugnayn ee taageera Geedi socodka dawladnimafda Soomaalya.
Madaxweyne Xasan ayaa si qar iska xoornimo ah shaaciyey magacyada Xubno uu isagu wato, taasoo uu Raysul wasaare Cumar kadibna ay Beesha Caalamka ku taageertay.
Akhriso magacyada Gudiga Doorasha ee Heer Federaal ee uu madaxweyne Xasan magacaabay
1-Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowa, Wasiir DFS
2-Maxamed Jaamac Mursal, Wasiir DFS
3-Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Wasiir DFS
4-Sahra Maxamed Cali Samatar, Wasiir DFS
5-Maxamed Cabdi Xayir, Wasiir DFS
6-Saalax Axmed Jaamac , Aqoonyahan
7-Maxamed Kaynaan , Aqoonyahan
8-Nafiisa Geedi Santuur, Aqoonyahan
9-Cabdiraxmaan Xaashow , Aqoonyahan
10-Barlin Cadami , Aqoonyahan
11-Cabduweli Xirsi Cabdulle , Wasiir Puntland
12-Saadiq Abshir Garaad , Aqoonyahan Puntland
13-Aadam Ibraahim Aw-xirsi , Wasiir Jubaland
14-Cabdicasiis Shiikh Xuseen Dayib, Aqoonyahan Jubbaland
15-Cabdiraxmaan Aadan sate , Wasiir Koonfur Galbeed
16-Maxamed Cabdi Nuur, Aqoonyahan Koonfur Galbeed
17-Xuseen Qaasim Yuusuf , Wasiir Galmudug
18-Cabdulaahi Salaad Yarow, Aqoonyahan Galmudug
19-Axmed Maxamed Siciid, Somaliland
20-Fardowsa Maxamed Ducaale , Somaliland
21-Aamina Cabdulaahi Dheerow, Gobolka Hiiraan
22-Raaxo Maxamed Janaqow, Gobolka Sh/dhexe.
Puntlandes.com