Telefeshinka Dowladda Puntland (PLTV) oo dib u habayn lagu wado dhawaana aduunka dacaladiisa laga daawandoono

0

Garowe(Pes) Warbaahinta Dowladda Puntland gaar ahaan Telefishinka  (PLTV) ayaa lagu wadaa dib u habayn ka dib markii saacadihii lasoo dhaafay hawada laga saaray.

79

M.Suuqgaynta PLTV Wadani

Madaxa Suuq-gaynta Telefashinka dowladda Puntland Ibraahim Muuse Dahraah ( Wadani ) oo la hadlay Puntlandpost ayaa sheegay inay wadaan qorshe lagu habaynayo TV oo dhanka Farsamada isla markasna lagu damacsan yahay in lagu gaarsiiyo Qaaradaha kale ee Aduunyadda.

Wadani ayaa beeniyay in Puntland Tv hawadda uga baxay lacag lagu yeeshay awgeed ayna tahay warar dacaayad ah oo lagu damacsan yahay in lagula beegsado mamulka iyo shaqalaha Tv.

39

PTV oo dib u habayn lagu wado

Puntland Tv ayaa lagu ammaanay mudadii uu jiray inuu dadka Soomaaliyeed usoo bandhigay muuqaalo iyo shaqo lagu wada qancay,waxayna dadka la socda warbaahint Soomaalida ee la iska arko ay sheegeen inaysan macquul ahayn TV Soomaali ah oo mudo intaas leeg hormar baaxad-le sameeyay.

Maxamed Axmed Aadan Terra oo ka mid ah masuuliyiinta Puntland Tv ayaa sheegay inay adag tahay in TV cusub uu mudo intaas leeg kusoo caanbaxo,balse dadaal ay sameeyeen shaqalaha iyo mamulka uu heergan gaaray.

Xigasho: Puntlandpost.com

Puntlandes,com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *