Sawiro: Wafdi ka socda DFS & maamulka koonfur galbeed oo aqoon korarsi u yimid Puntland
18 June 2016 (Puntlandes) Waxaa booqasho ku yimid Caasimada Puntland ee Garowe wafti ka socda Wasaaradda Waxbarashada DFS iyo Wasaaaradda Waxbarasahada ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ujeedadada wafdiga ayaa ahayd inay khibrad iyo Aqoon ka ko kororsadaan Wasaaradda Waxbarashada Puntland sida ay u shaqayso , gaar ahaan xafiiska Imtixamaadka iyo Waaxadda Tayenta iyo Tayodhowrka iyo Manahijta Waxbarashada.
Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax siciid (Juxa ) oo DFS u qaabilsan Tayaynta Waxbarashada dowlad Goboleedyadda ayaa Hogaaminayey wafdiga Waxbarashada DFS iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wafdiga ayaa kulamo la qaatay Dhamaan agaasimayasaha waaxyaha waxbarashada Puntland iyadoo kulanku ujeedadiisu ahaa sidii la iskaga kaashan lahaa waxbarashada iyo Tayaynteeda.
Puntlandes.com